Warbixin cusub oo laga soo saaray tirada dadka sanadkan ku barakacay Somalia

Oslo (Aftahannews) – Tiro ka badan 300,000 qof ayaa ku barakacay dagaalo iyo abaar ka jirta Somalia sanadkan. Sida ay sheegtay warbixin cusub oo hay’adda The Norwegian Refugee Council (NRC) ay maanta soo saartay , taas oo tilmaantay in amaandaradu ay suuragal ka dhigi wayday in gargaar bani’aadanimo la gaadhsiiyo dhulka miyiga ah iyo in dadka jilicda-san ay u carareen xeryo magaalooyinka u dhow si ay kaalmo u helaan.

“Saamaynta xun ee abaartu waxa ay ku dhufatay bulshada dhulka miyiga ah ku nool ee dalagoodii, xoolahoodii iyo meelihii biyahaba ay ka heli jireenba ay abaartu saamaysay, sidoo kale waxa dadkaasi saameeyey iska-horimaadada hubaysan.

Wakhti xaadirkan waxa jira 2.1 million qof oo Soomali ah oo ay la soo daristay gaajo,” sidaasi waxa yidhi Victor Moses, oo ah Agaasimaha hay’adda NRC, waxaanu intaasi ku daray “Shacabkani waxay u baahan yihiin gargaar. Balse marka amaandaradu ay naga hor-istaagtay inaanu gargaarka gaadhsiino ama ka qaybino, waxay dad badan ku khasabtay inay ka cararaan meelaha dagaaladu ka socdaan si ay u raadsadaan kaalmo.”

Isu-geyn 302,000 qof ayaa barakacay intii u dhaxaysay bishii January iyo September ee sanadkan sida ay sheegeen hay’adaha UNHCR iyo NRC oo tilmaamay inay si dhow ula socdeen xaalada dadkaasi Somalia ku barakacay.

Khilaafyada iyo dagaalada amaandarada sababay ayaa barakiciyey kalabadh dadkaasi oo dhan (158,000), halka ay abaartu barakicisay (126,000), isla markaana ay sababtay xaaladd daran. Sidoo kale waxa iyaguna jira xaalado kale oo dadkaa barakiciyey oo ay ka mid yihiin fatahaado kuwaas oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 20,000 inay ku barakaceen.

https://reliefweb.int/report/somalia/conflict-and-drought-displace-300000-somalia-so-far-year

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.