Mareykanka oo doonaya in muranka badda ee Kenya iyo Somalia lagu dhameeyo wada-hadal

Muqdisho (Aftahannews) – Dawladda Maraykanka ayaa doonaysa in Wada-hadal lagu dhameeyo Khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Sidaana waxa sheegay Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter oo Safar ku tagay Magaalada Muqdisho isla-markaana kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahu Farmaajo.

Safiirka Maraykanka ee Kenya oo Waraysi siiyey Wargeyska Daily Nation ayaa  isagoo ka warramaya Waxyaabaha uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay

“’Waxaan tagay magaalada Muqdisho, Anniga oo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u sheegay in dacwadda Badda lagu dhameeyo meel ka baxsan Maxkamada..” ayuu yidhi, Danjiraha Maraykanka ee Kenya, Mr. Kyle McCarter, waxaanu intaa ku daray inay Dawladdiisu ka shaqaynayso in Miiska wada-hadalka la isugu keeno Madaxweyneyaasha Kenya iyo Soomaaliya, si ay muranka badda uga wada-hadlaan.

Maxkamadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamadda ICC ay markii labaad dib u dhigtay toddobaadkan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.