Somaliland: Tuug Tooray ku dhaawacay Ilmo 7 bilood jira oo Hooyadii xambaarsanayd

Breaking_news-5

Hargeysa (Aftahannews)- Saddex tuug ayaa shalay dhaawac gaadhsiiyay wiil yar oo 7 bilood jira oo ay hooyadii xambaarsanayd, ka dib markii ay tooray ku dhufteen, iyagoo ilmaha yar moodaya shandad ay hooyadu dhabarka ku sidato.

Dhacdadan oo dadka reer Hargeysa ee arkay ama maqlay ku riday argagax ayaa waxay ka dhacday dooxa laga talaabo ee dhismaha jabjabka ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa. Ilmaha yar ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay toorayda oo ay tuugtu kaga dhufteen inta u dhaxays miskaha iyo dhabarka. Ilmaha yar ayaa qayliyay markii ay tooradu ku dhacday, markaas ayaanay hooyadu dareentay oo ay qaylisay markii ay aragtay ilmaheedii oo dhiig badani ka socdo, sida ay dad goob-joog ahi sheegeen.

Dad goob-joog ah ayaa sheegay in ciidamada Booliska oo gacan ka helaya dadweynihii goobta ka dhawaa ay gacanta ku soo dhigeen saddexda tuug ee falkan naxdinta badan gaystay, waxaana wiilka y ar la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dabiibayo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.