Rejaddii Arsenal Oo Xabbaalaha Lagu Daray Iyo Tamashlayntii Sheffied

Arsenal ayaa guul-darro niyad-jab ah kala soo kulantay kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonkooda Bramall Lane, kaddib markii loogu soo awood sheegtay 1-0, kulankooda 9-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminaysay kooxda martida loo ahaa ee Sheffield United.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Sheffield United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay ciyaarta xiddigooda Lys Mousset, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jack O’Connell.

Qaybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood, waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxaynna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karo.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda Sheffield United oo saddexda dhibcood kaga qaatay garoonkooda Bramall Lane, naadiga reer London ee Arsenal.