Iskuul Lagu Barto Haasaawaha Oo Muran Dhaliyay Iyo Xiisaha Ku Jira

Hargeysa(Aftahannews)-Waxaan hortaaganahay hoteelka caanka ee Savoy oo ku yaalla bartamaha magaalada London, waxaana sugayaa koox dhalinyara ah oo dugsiga shukaansiga lagu barto soo siiyey lacag dhan $700 oo casharro lagu siiyo.

Eddie Hitchens ayaa wuxuu fuulay meel sare si uu ula hadlo dadka ku hareereysan isla-markaana casharro hordhac ah uu ka siiyo waxyaabaha halkan lagu barto.

“Hayeh, magaceygu waa Eddie. Waxaan tababarkan soo waday ilaa iyo 2011-kii.”

“Casharkan” wuxuu qofku si fudud ugu baranayaa sida ugu sahlan ee ay raggu dumarka gacanta ugu soo dhigi karaan.

Xilligan lagu jiro oo aaladaha lagu wada xiriiro ay dunida aad ugu hormartay waxaa casharrada shukaansiga lagu baahiyaa online-ka, taasoo ragga u suuragelinaysa iney si fudud oo degdeg ah dumarka u hantaan.

Muqaallo badan oo casharradaa ku saabsan ayaa bogga Youtube lagu baahiyey

Muuqaallada ay You Tube ku baahiyaan ayaa waxay noqdeen kuwo maalin walba so jiita kumannaan daawadayaal ah.

Ragga doonaya iney muuqaallada bogga boot camps ku jira daawadaan, wuxuu leeyahay awaamiir ay raacaan ragga oo keli ah.

Dumarka ayaan kaalin weyn ku lahaynn casharradan iyada oo mararka qaar ay dumarka dhibaatooyin kala kulmaan ragga casharrada soo qaata ee waddooyinka kula hasaawa iyaga oo aysan dumarku raalli ka ahayn.