“Warbaahinta Madaxa Bannaan Waxa Ay Heshiis Kula Jiraan Argagixisada”

Muqdisho,  (Warsugan)-Dawladda Soomaaliya, ayaa shalay qaaday tallaabo aan caadi ahayn iyada oo ku eeddaysay warbaahinta madaxa banaan inay heshiis kula jiraan Al-Shabaab.

Sidda wuu sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan bad-qabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eeddeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka.

Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood ku eeddeeyay in ay heshiis kula jiraan argagixisada, islamarkaana ay dhiirigelin u sameeyaan Al-Shabaab.

Maareeye ma aannu yaboohin wax caddeymo ah oo ku saabsan eeddaymaha ka dhanka ah warbaahinta madax-bannaan.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda ay go’aan ku gaadhay in ay soo saarto  go’aaan midaysan oo ku saaabsan baahinta Wararka Al-Shabaab, laakiin ma aannu faahfaahinin arrimaha is-barkay.

Dhanka kale qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta ee ka qeyb galaysa shirka ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa warbaahinta waxaa uu u soo jeediyay in aan la buun-buunin khasaaraha weerarada ay Al-Shabaab geystaan.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya lagu eeddaynayo  in ay cabudhin ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Gefka Maareeye ayaa imanaya iyadoo in ka badan 20 weriye ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabaab loona dilay inay runta ka sheegaan dhibaatooyinka kooxdan ku hayso shacabka.