Akhriso: Warbixin gudida joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland ka soo saareen muranka Wasaarada Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka ah

Golaha Wakiilada Jsl oo Soo Bandhigay Qodobada Khilaafsan Xeerka Siyaasada Guud Ee Waxbarashada Ee Ku Jira Xeernidaamiyaha Iyo Talada Ay Usoo Jeediyay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada!

Hargeysa (Aftahannews)- Gudida Joogtada iyo Anshaxa ee golaha Wakiilada Somaliland  ayaa mudanayaasha golaha warbixin ka siiyay halka uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya Dugsiyada gaarka ah iyo Wasaarada Waxbarashada, kaasi oo uu  keenay xeernidaamiyaha ay wasaaradu soo saartay.

Gudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha Wakiilada oo warbixintan ka hor jeediyay golaha ayaa soo bandhigay khaladaada sharci ee ku jira xeernidaamiyaha ay soo saartay wasaaradu iyo sida uu uga hor imanayo xeerka guud ee siyaasada Waxbarashada jsl Xeerno:77

Sidoo kale, Gudida joogta ah ee golaha Wakiilada ayaa gudoomiyaha u soo jeediyay in uu gudi usaaro xal u helida khilaafka dugsiyada iyo wasaarada.

Gudida joogtada ah ee golaha ayaa soo bandhigay qodobada ku jira xeernidaamiyaha ee ka hor imanaya xeerka guud ee siyaasada waxbarashada Jsl.

Dhanka kale, Gudida joogtada ah ee golaha Wakiilada ayaa talo u soo jeediyay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare isagoo xusay in 70% waxbarashada dalka ay gacanta ku hayaan dugsiyada gaarka loo leeyahay.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA GUDIDA JOOGTADA AH EE GOLAHA WAKIILADA:

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.