Somaliland oo u digtay beesha Caalamka

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa waxaa uu digniin culus u diray beesha Caalamka.

Wasiirka ayaa waxa uu Beesha Caalamka uga digay khataraha ka dhalan kara Hub ay Soomaaliya ka soo qaadato qaar ka mid ah wadamada Caalamka.

Wuxuu sheegay Wasiirku in hadii Soomaaliya la siiyo Hubkaa oo ay cunaqabatayni ka saran tahay in ay Somaliland-na ay xaq u leedahay in ay la soo degto Hub, Maadaama buu yidhi ay Somaliland tahay dal madax-banaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.