Dibed-baxyo ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe (SAWIRRO)

Garoowe (Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhaceen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay labada magaalo.

Dadka dibadbaxa ka dhacay magaalada Garoowe ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedaan dil Askar ka tirsan ciidamada Puntland uu xalay qof shacab ah ugu geystay magaalada, iyaga oo maamulka Puntland ka dalbanayaan in cadaallada la horkeeno Askariga dilka ka danbeeyay.

Dadka cadheysan ee dibadbaxa dhigayay ayaa taayiro ku gubay bartamaha magaalada waxaa ay arintaan caqabad ku keentay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga oo dibadbaxayaashu caraqaladeeyeen.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa maanta isugu soo baxay dad ka soo horjeeda dil xalay magaalada loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xaaji Saciid Ciise Cabdi oo rag hubeysan toogteen xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaada Cishaha.

Dadka isugu soo baxay Kismaayo ayaa dalbanayay in la soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka, waxaana ay laamaha Amaanku sheegeen in ay wadaan baadhitaan la xidhiidha dilka Nabadoonka.

Magaalada Kismaayo waxaa hore uga dhacay dilal loo geestay Nabadoonmo caan ahaa waxaana qaar ka mid ah dilalka lagu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.