“Wuxuu Jeclaa Hilib, Laakiin Wuxuu Helay Kalluun…” Mourinho

Tababarihii hore ee Manchester United Jose Mourinho ayaa ku maadeystay xaqiiqda ah in Jurgen Klopp aannu weli guul ku gaadhin garoonka Old Trafford.

Liverpool ayaa dhibic kala soo laabatay garoonka lagu naanayso Tiyaatar Riyadda iyadoo laga soo gabagabeeyay guulihii isu xig-xigay ee ay ku riyaaqayeen xilli ciyaareedkan.

 

Tababaraha Jarmalka ayaa afar jeer barbaro ku soo galay garoonka OLd Trafford hal marna looga soo badiyay tan iyo markii uu tababare ka noqday Liverpool sannadkii 2015.

Klopp oo ka cadhaysnaa kulankii caawa ayaa yidhi: “Waxaan halkan imaanay sannadkan, sannadkii ka horeeyay iyo midkii ka sii horeeyay mar walba difaac ayay galaan, ma aha inaan ku dhaleecaynayo ee xaqiiq ayaan sheegayaa.”

Waxay taasi keentay Mourinho uu ku maadaysto tababaraha Jarmalka isagoo u jawaabay, Mourinhoo ka hadlayay Sky Sports ayaa yidhi: “Maadaama aannu waligii Manchester United ku garaacin Old Trafford, ma aannu jeclaysan buugga dalabka ee la soo hordhigay.

“Wuxuu jeclaa hilib, laakiin wuxuu helay kalluun, sidaa darteed ma faraxsanna“Dabcan way xoogan yihiin marka ay ka horimaanayaan koox fursado siinaysa, laakiin Man United si ka duwan sidii hore ayay u ciyaartay.