Mayd Gubtay Oo Laga Helay Seeraha Magaaladda Boorama

Hargeysa, (Aftahannews)-Nin Meydkiisu gubtay ayaa laga helay badhtamaha Seeraha Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Ninkan ayaa weli la aqoonsan wejigiisa, Magaciisa iyo Sababta Geeridiisa, sida uu sheegay wariye ka tirsan Telefishanka HCTV oo ku sugan magaalada Boorama.

Ciidammada Dambi-baadhista ee Booliska oo gaadhay goobta Meydka laga helay ayaa Meydka geeyay Qolka Meydka la dhigo ee Cisbitaalka Magaalada Boorama.

Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Awdal oo Telefiishanka HCTV la xidhiidhay si uu arrintan wax uga waydiiyo ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo, laakiin wuxuu sheegay in Meydka ninkan ay soo sheegeen Haween Caano u iib keenay Magaalada Boorama, dushiisana ay ka muuqato Dab, laakiin aan illaa hadda la garanayn inuu is gubay iyo in la gubay.