Liverpool Oo Ka Badbaaday Jid-gooyo Helis Ku Ah Hoggaanka Ingiriiska

Filed under: Wararka |

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa dhibacaha ku kala qeybsaday garoonka Old Trafford, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah kulankoodii 9-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala nasteen 1-0 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Manchester United oo ku sugnayd garoonkeeda Old Trafford.

Daqiiqadii 36-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaanna 1-0 ka dhigay Marcus Rashford, waxaanna goolkan ka caawiyay saaxiibkii Daniel James.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood,  waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxaynna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 85-aad kooxda Liverpool ayaa heshay goolka barbaraha waxaanna ciyaarta 1-1 ka dhigay Adam Lallana.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah oo ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester United iyo Liverpool, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford.

You must be logged in to post a comment Login