Loollanka Urur-goboleedka IGAD ee Dalalka Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Somalia

Jabuuti (Aftahannews)-– Ra’iisul-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa  halkaas ka wada xallinta khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabanaysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka.

Kulan Abiy iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa looga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey.

Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla af-gartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta.

Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu hayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan.

Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya weynayso xilka Guddoomiyannimo.

Soomaaliya ayaa hore u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD.

Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilowday qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaanna la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD.

Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaa weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.