Ka Daa Dhallanteedka Dhaqankeenna

Soomaalidu waa dad ku nool Bariga Afrika, waa dad xoolo dhaqato ah,isla markaan ka yimi nolosha miyiga, Waa dad reer guuraa ah noloshooduna ku tiirsan-tahay xoolaha iyo wax-soo-saarka dhulka.

Waa dad ku abtirsada diinta Islaamka. Sidaa daraadeed qiyam-ka ummadann iyo dhaqankeeddu waxay isu-fal-galeen si aada. Waxayna dhaqanka iyo Diinta ay heystaan oo Islaam ah noqdeen qaar isu milma.

Soomaalidu waxay ka mid tahay umnadaha adduunka tirad yar ee 100% Islaam sunni ah, Hase-yeeshee ka dib guumeysigii Soomaalida waxaa soo galay dhaqamada reer galbeedka kuwaas ay soo qaadeen dad Soomali ah oo muddo ku noolaa Deegaanadaa kuwaas oo aynaan isku dhaqan iyo isu Diin midna ahayn, taana waxaa u daliila waxaad maalin walba arkaysaa waxyaabo dhaawacaya dhaqankeena wanaagsan ee soo jireenka ahaa.

Tusaale ahaan, waxaa maalim walba soo badanaya goobo loogu magac daray dhaqanka Soomalida, laakiin aanay jirin wax u raaca magacaa ay sitaan mooyaane wax kale, Taa badalkeeda lagu soo bandhigo arrimo aan dhaqan ahaan u wanaagsanayn ummadan meesha ku nool iyo Diin ahaanba. Waxaan rabaa in aan wax yar ka iftiimiyo ama kaga hadlo Mawduucaygan oo aan ugu magic-daray ama aan ugu yeedhay “Ka Daa Dhallanteedka Dhaqankeenna” kaas oo aan kaga hadli doono goobo dhowr ah oo sita magacyo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida, Balse u isticmaala si aan wanaagsaneyn, innagoo mid mid u qaadaa dhiggi doona goobahan, kuna baraarujineynna in ay is-waafajiyaan Magacyada ay sitaan iyo waxyaabaha mudan in laga helo ama ay soo bandhigayaan.

 Sidaa daraadeed waxaan rabaa in aan maanta ka hadlo goobta loogu yeedho Xarunta Dhaqanka kuna taala Magaalada Hargeysa, isla markaana aan soo bandhigo  arrimo badan kuwaas oo aan u arkay in ay u baahan-yahiin in laga hadlo loona iftiimiyo dadka, iyadoo diinteenuna inna fartay in lays faro wanaaga, xumaantanna la iska reebo si loo daqabo diinteenna wanaagsan.

 Waxaa dabayaaqadii bishii 7/2019 ay xarunta dhaqanka ee Hargeysa ay marti qaaday nin u dhashay wadanka Batiswana ee badhtamaha qaarada Africa oo magaciisa la yidhaahdo Donald Molosi  kaas oo ah qoraa una ololeeya ama u dhaq-dhaqaaqa dadka isku jinsiga ah, kaas oo lagu martiqaaday si uu u soo bandhigo film uu sameeyey oo la yidhaado “We Are All Blue”. Waxaa iyanna hore u jiray dadyoow kale oo sidan oo kale u ololeeya dadka isku jinsiga ah oo ay xaruntanni marar badan ku soo dartay dadka ka qayb qaadanaya bandhigyada ka dhaca goobtan. Waxaa wax aad looga xishoodo ama la yaab ah in dad boqolkiiba boqol Islaam ahi ay oggolaadaan in dalkooda ay yimaadaan dad noocan oo kale ah, wallow ay dadka qaar u arkaan in ay dawladu ka gaabisay arrintan, taa badalkeedanna ay waxba kama jiraan ku tilmaantay dareenka dadka qaar, kuna sheegtay in ay ku tahay goobtan in sumcada lagaga dilayo. Waxaase  maalin iyo habeen sida fiinta uga qeyliya arrintan soo noqnoqotay dadyawga ku nool Magaalooyinka Somaliland, waxaa maalin walba lagu soo hadal qaadaa meelaha ay bulshadu ku kulanto, waxaa jimce walba ay waddaadu masaajidada ka jeediyaan Khudbaddo kala duwan. Iyagoo dawlada u dira codsiyo kala duwan kuna baraarujiya in arrintan oo kale ay ka dhalan karto caawaaqib xumo mid adduunyo iyo Aakhiraba laga dhaxli karo, haddii aan hawshan si wada jir ah wax looga wada qabanin.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah Abwaanada dalku ay ka muujiyeen dareen aan wanaagsanayn arrintan, kaas oo ay gaadhay in qaar ka mid ahi gaadhsiiyeen arrintan illaa heer Maxkamadeed, kaas oo Abwaan ka mid ah Abwaanada ku nool Magaalada Hargeysa uu muujiyey Dacwada ka dhan ah goobtan, Isla markaana uu ku baraarujiyey shacabka in ay garab istaagaan, meelnna looga soo wada jeesto wixii dhaawacaya Dadka iyo Diintaba.

Waxaa iyana ah wax aan la qaadan karin in goobo sida magaca dhaqanka ee Soomalid ay haddana ay ka socdaan wax aan meelna ka soo galin dhaqanka ay ummadanni leedahay iyo ka Diinta Islaamkaba.

Waxaan xasuusta habeen aan ka qayb galay mawduuc loogu yeedhay caqabadihii ay soo martay Somaliland 25 sanno ee ugu dambeeye(Somaliland Reflextions For The  Past 25yrs), sida ka muuqata ciwaanka khubadda waxaan muhiim ah in la qeexo marxaladihii kala duwannaa ee ay soo martay Somaliland iyo siyaasadihii kala dambeeyey ee ay soo martay. Waxaan xasuustaa habeenkaa waxaa joogay dad aan ku qiyaasay 150 oo qof waxaa iyana joogay dad  badan oo Ajenib ah kuwaas oo isugu jira caddaan iyo madowba, ku darsoo khadbaddu waxay ku baxaysay afka qalaad ee Englishka, waxaase ka sii yaab badan markii uu bilaabay khubaddii  nin isu sheegaya Prof uu ku Ibo-furay eray aan aad ula yaabay ilaa haddana aan is-wayddiiyo oo u dhignayd sida(Mr Jonson Has Been Jailed). Taas oo ay macnaheedu tahay ninkaa hebal waala xidhay, waase yaabe waxaa mar qudha sacab dheer iyo qosol wada jiibiyey kooxdii caddaanka aheyd ee meesha fadhiday, taa bedelkeedda waxaa iyana yaab iyo amakaag is-eeg-eegay dadka intii kale ee Soomaalida aheyd kuwaas ay ku adkaatay macnaha ereygan dad gaar ahi ay u sacabiyeen ee haddana aan Af-soomaaliga aheyn. Habeenkaa aad ayaan u yaabay waxa ka socda meesha.

 Guntii iyo gunnaanadkii mawduucayga waxaan ku soo af-meerayaa tix-yar oo gaaban oo ka mid ah Maansadii DABA-HUWAN, Alle cimriga iyo caqliga ha u siyaadiyee Abwaankii waynna ee Ummadda Soomaaliyeed Abwaan Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Aduunyadu Waa Daryeel

Daryeela Wixii Ku Nool

Dadbey Magantiisa Tahay

Daymiyo Garashey Rabtaa

Hog Loo Dayobey Rabtaa

Dawgeeda Hadaan La Marin

Daliil Rabbi Looga Dhigin

Deynkeeda Waxaad Guddaa

Mar Aanad U Daafad Heyn

Ninkii Dabikeeda Gala

Dibey U Xasuusisaa

Digniina Horoo Badanaa

Qallinkii Iyo Wadda-jirkii 

Kamaal Iyo Cabdifataax