Dowladda Iran oo Ka Jawaabtay Farriin Sucuudigu u soo dhex-mariyey Ra’iisal-wasaaraha Pakistan

Ali Rabei

Tehran(aftahannews):- Afhayeenka xukuumadda Iiraan, Ali Rabei, ayaa Jimcihi xaqiijiyay in Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan uu ka wargeliyay warqad xanbaarsan Fariin nabadeed iyo wada hadal dhexmara labada dal ee Iran iyo Sucuudiga.

Ali Rabei
Ali Rabei

Dalabka xanbaarsan fariinta wada hadalka, ayaa ka yimi dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, wuxuuna codsaday wadahadal Boqortooyadu la yeelato Iran.
Af hayeenka Iran ayaa sheegay in wadankiisa “aanu u arkin in baahi loo qabo  wada hadal uu la yeesho Sacuudiga isagoo matalaya reer Yemen, ama marka ay ka maqan yihiin Yemen”.

Arrintan ayaa kusoo beegantay maalin ka hor booqashada  Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ee Tehran, oo loo qorsheeyay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani, waxaana sida saxaafadu baahisay la rumaysanyahay in booqashadiisa Tehran iyo kulanka u qorshaysan inuu dhexmaro Imran Khan iyo Hassan Rouhani, la xidhiidho sidii uu dhex dhexaadin uga samayn lahaa  Iran iyo Saudi Arabia.

Wakaaladda wararka ee Iiraan oo soo xigatay wargayska Pakistan, Dawn, ayaa  sheegaya in Khan uu wadahadalo rasmi ah la yeelan doono Axada Rouhani, ka dibna uu u tagi doono Riyadh si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiinta Sacuudiga.

ilo wareedyo laga soo xigtay dublamaasiyiin u dhashay Pakistan ayaa sheegaya in booqashada Khan ee Tehraan ay ujeeddadeedu  tahay in lagu furo dariiq lagu fududeynayo  xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Saudi Arabia, oo sii hurisay khilaafyo hore u jiray iyo dagaalada  ka socday Yemen sanado badan.

Kulankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay Ne York,  dhammaadkii Sebtember, 2019,  wuxuu Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ku xaqiijiyay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo dhaxal-sugaha Sucuudiga uu ka codsaday inuu dhexdhexaadiyo Iran, si loo xalliyo xiisadda ka dhexeysa labada dal.

Dhinaca kale,  Amiir Mousavi, oo Iran ah Diblumaasi hore , ayaa u sheegay Al-Jazeera in marka loo eego dedaalka iyo tilmaamaha, farriinta Khan uu gudbiyay ay tahay “soo jeedin cad oo ka timi Sacuudiga, gaar ahaan Bin Salmaan, si wax looga qabto xidhiidhka  laba geesoodka ah iyo xaaladaha gobolka, laguna soo afjaro dagaalka ka socda Yeman.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Warkaas:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.