Axmed Madoobe oo wadahadal ka dalbaday dowladda Federaalka

Kismaayo (Aftahannews)- Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu caleemo saarayay ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in la wadahadalo layslana saxo sida uu hadalka u dhigay haddii ay jireen qaladaad dhacay.

Wuxuu sheegay in Dowladda uu ka filayay Dowladda in ay qaadato doorkeeda hoggaamineed, madaama ayuu yidhi maamul gobolleedyada oo dhan yihiin kuwo hoostaga kuna shaqeeya mar walba awaamiirteeda.

‘’Dowladda waa Waalid oo kale, Waalidka isaga ayaa laga rabaa in uu Ilmahiisa toosiyo una tilmaamo dariiqa saxa ah, Annaga waan ognahay Dowladda hadda jirta waa Dowladdeenii waan ku qasbannahay mar walba in aan la shaqeyno, ka Jubbaland ahaan waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo, wada fadhiisanno, is qancino waxan iyo waxan ayaa qaldan lays dhaho, waana rajeynayaa in ay taasi dhici doonto’’  Ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay si dalkan hore loogu wado loo baahan yahay in dhinacyada ay siyaasada khuseysa oo dhan isku yimadaan wada hadalaan, laguna socdo wixii lagu heshiiyay.

‘’Meeshan lama kala maarmo waa leysku qasban yahay, waan in la wadahadlo oo leysku yimaado, laga shaqeeyo danta Umadda, haddii ay taasi dhicin meesha aan u socno ee ah dowladnimo la wada-leeyahay lama gaadhi doono’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in dowladda ay ka soo horjeestaan ay sababteeda leedahay isla Dowladda Dhexe ee Federaalka isaga oo yidhi.

“Inaan caaq noqono iyagaa sababi kara ,labad ilmood ee aad dhashay haddii sidan iyo sidan kala tidhaahdo adaa wax walba isaga dhiga kara “,ayuu intaa ku daray.

Xalfaladda Caleema saarka ee madaxwaynaha Jubaland ayaa qabsoontay iyada oo wali uu jiro khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Dowladda fedaraalka ayaa dib u doorashadii Axmed Madoobe ku tilmaamtay sharci daro islamarkana sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.