Ururka Qareenada Somaliland ee Sola oo soo bandhigay halka uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya Wasaarada Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka ah

Hargeysa (Aftahannews)- Ururka qareenada Somaliland ee SOLA oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadley halka uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya Wasaarada Waxbarshada Somaliland iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka qarenada Somaliland ee SOLA Garyaqaan Cabdinaasir Xasan iyo xubno ka mid ah ururka ayaa soo bandhigay qodobada ku jira xeernidaamiyaha ee ka hor imanaya siyaasada guud ee waxbarashada Somaliland.

Ururka qareenada ayaa Wasiirka wasaarada Waxbarashada ugu baaqay in uu saxo khalaadaad ku jira xeernidaamiya kaasi oo ay hore u soo bandhigeen golaha Guurtidu

Dhinaca kale, Ururka qareenada ayaa sheegay in hadii wasaarada Waxbarshada iyo Ha’addaha dawladu ay ilaalin waayaan shuruucda dalka iyo xuquuqda siman ee ay leeyihiin muwaadiniintu ay dacwad la xidhiidha arintan ka furan doonaan maxkamada dastuuriga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.