Madaxweyne Farmaajo oo safar ugu maqnaa Addis Ababa oo Muqdisho ku soo laabtay

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Somalia maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo noqday kadib markii safar qaatay laba maalmood uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Somalia ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Muqdisho waxa uu shacabka ugu hambalyeeyey maalinta calanka 12 October, waxaanu tilmaamay in maalintani ay muhiimad weyn u leedahay Somalia maadaama oo ay ku beegantahay maalintii ugu horaysya ee la taagay calanka Somalia oo xor ah sanadkii 1954-tii.

“Maanta waa maalin weyn oo ku beegan maaintii calan Somalia oo xor ah la taagay 65 sano Calan somaliyeed oo ka tujumaya gobanimada, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo halgan dheer usoo galay sidii aynu xornimadeena u hanan lahayn” ayuu yidhi Madaxweynaha Somalia waxaanu sidoo kale shacabka Somalia ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay ula soo noqon lahaayeen dawladnimadii, sharaftii iyo qabtkii Soomaaliyeed, ugana bixi lahaayeen qoqobka iyo qabyaalada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.