Tirada Dhimasho iyo Dhaawac ee ka dhashay Shil Gaadhi oo ka dhacay Duleedka Berbera

Berbera(aftahannews):- Ugu yaraan 10 Qof, ayaa ku dhintay, 14 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo galabta ka dhacay Kaantarroolka duleedka Bari ee magaalada Berbera.

Isu-duwaha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey caawa fiidkii in toban qof oo dhimasho ah oo isugu jira afar Haween ah iyo lix Rag ah iyo 14 dhaawac ah la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, oo lagu dawaynayo dhaawaca, dadka dhintayna la dhigay qolka Meydka ee Cusbitaalka.

Shilka gaadhi, ayaa yimi ka dib markii ay isku dhaceen gaadhi qaad siday iyo gaadhi Noha ah oo Dad Itoobiyaan u badan siday, sida ay Saraakiisha Boolisku xaqiijiyeen.

Warkaas iyo muuqaalladiisa waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.