Dhibaatooyinka ay Siyaasiyiinta Sool ku Hayaan Shacabka! W/Q- Eng. Cabdisamad Aadan Ducaale

Eng Cabdisamad Aadan Ducaale
Eng Cabdisamad Aadan Ducaale

Dhibaatooyinka ay Siyaasiyiinta Gobolka Sool ku Hayaan Dadka Shacabka ah
Waxa qoray Eng. Cabdisamad Aadan Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanka Gobolka Sool

Eng Cabdisamad Aadan Ducaale
Eng Cabdisamad Aadan Ducaale

Anigoo ka duulaya xaqiiqo-raadinta dhabta ah ee taala degaannada Gobolka Sool, waxaan tegay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo xarumaha Dowladda ee ku yaal Gobolka Sool, waxaan la kulmay dhammaan shacabku inay cabashooyin ka qabaan Wasaaradda iyo xafiisyada dowladdu qaabka ay u gudanayaan hawl-maalmeedkeeda shaqo, waxayna dadku ii sheegeen waxyaabo murugo leh oo oo ay ka mid tahay mid kala-sooc iyo qof-jeclaysi in ay Wasaaraduhu ula dhaqmaan shacabka ay masuuliyadda u hayaan. Markii aan waydiiyay waxa sidaas loo samaynayo waxay ii sheegeen in tusaale ahaan qofka Wasaaradda masuulka ka ah haddii ay shaqo timaado ama ay soo baxdo fursado shaqo-abuur ah, waxa uu shaqada siiyaa qoyskiisa, inta soo hadhayna waxa uu siiyaa qof kale oo ay saaxiib yihiin oo isna masuul kale ah, anagana waxa la nagu qanciyaa in aannu dhacnay imtixaankii.
Waxaa kaloo aan la kulmay inan ii sheegtay in lagu yidhi markii ay gaysatay aqoonsigeedii; ‘adigu booskaas ma doonan kartid, waayo ciddaasi ma leh.’ Loona hadlay si ka baxsan xuquuqal-insaanka. Waxa kaloo aan la kulmay nin ii sheegay inay u yimaadeen shaqsiyaad madax ka ah Gobolka Sool, kadibna ay u sheegeen in saddex qof oo shaqo-doon ahaa uu mid ka mid ah meesha ka saaro, iyadoo uu masuulkaasi ku doodayey in qofkaasi uu shaqada ku cidhiidhyayo wiilkiisa, laakiin nasiib-wanaag waa uu ka diiday oo kaalinkaasi qofkii laga saari lahaa wuu ku guulaystay, halka qofkii kale ee booskaas la gayn lahaana uu noqnay kii ugu hooseeyey imtixaanka.
Dhibaatada ay Masuuliyiintu u gaysanayaan dadka shacabka ah intaas oo kaliya kuma eeka, balse Madaxda Gobolka Sool waa hal koox (one group) oo ku heshiiyey in aannu maamulku marna ka bixin gacantooda, si ay taasi ugu suurtogashana waxay Gobolka ka abuuraan xiisado kala duwan, waxayna shaqaaqooyinkaas ku eedayaan inay masuul ka yihiin Maamulka Puntland, shacabkana waxaa loo gaystaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo xadhigba, iyadoo aan loo kala eegayn cidda ay yihiin iyo kani muxuu yahay?
Tusaale ahaan, dhacdadii ugu dambaysay ee ay Ciidanka Boolisku ku dileen qof rayid ah oo ay ku raad-joogeen, isla markiiba waxa ay u rageen dhankii ay awalba u rogi jireen, waxaanna la odhan karaa waa dhacdadii ugu foosha xumayd ee ka dhacda Somaliland, iyadoo ay dhibtaasi dhacdayna aanay suurtogelin in Masuuliyiinta Gobolku ay ka gutaan waajibaadkooda qaran, balse waxay qaar ka mid ah Masuuliyiintaasi u beddeleen inay dhacdooyinka caynkaas ah ka dhigtaan shaqo iyo inay isku tusaan Madaxda Qaranka Somaliland in aanay cid kale oo aan iyaga ahayn dhammayn karin wixii hawl ah ka soo korodha Gobolka Sool.
Markii ay falalkaas dhaceen waxa nasiib-wanaag Gobolka Sool ku sugnaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo aan isagu la socon ama aan waxba ka ogayn qaabka guracan ee ay siyaasiyiinta Gobolka Sool ula dhaqmaan dadka shacabka, iyadoo Wasiir-ku-xigeenku uu markaa si fiican u gutay hawshii qaran ee uu halkaas u joogay, inkastoo ay jireen caqabado badan oo uu kala kulmay iyo hadallo aflagaado ah oo uga timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka Sool.
Haddaba, waxa isweydiin leh Madaxweynaha dalka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ma ogyahay dhibaatada muddada 12-ka sanno ah lagu hayey shacabka ku dhaqan degaannada Gobolka Sool? Haddiise uu ogaado wax ma ka qabanayaa dhibaatooyinkas?
Waxa qoray Eng. Cabdisamad Aadan Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanka Gobolka Sool