Madaxweyne Donald Trump oo Hanjabaad culus u jeediyey Dowladda Turkiga iyo Sababta

Trump and Erdogan
Trump and Erdogan

Washington (aftahannews):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,  ayaa ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii Turkiga uu tallaabo aan loo meel dayin qaada ka dib go’aankii la yaabka lahaa ee ciidammada Mareykanka ay uga baxeen waqooyi bari Suuriya.

Trump and Erdogan
Trump and Erdogan

Qoraallo uu xanaaq badan ka muuqdo oo is daba joog ah oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu difaacay tallaabdaasi oo la aamisan yahay inay waddada u furi karta weerar Turkigu ku qaado dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee xadka dhinaca Suuriya ku sugan.

Go’aanka uu Trump ciidammadiisa kula soo baxay waxaa xitaa si weyn u cambaareeyay masuliyiinta xisbiga Jamhuuriga oo uu Trump ka tirsan yahay.

Kurdiyiinta ayaa bixitaanka ciidammada Mareykanka ku tilmaamay inay tahay “waran dhabarka uga dhacay”

Dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa ku doodaya in bixitanaka ciidammada Mareykanka ay ka dhigtay Kurdiyiinta kuwa u nugul weerar uga yimaada Turkiga oo kooxdan u arka inay tahay argagixiso.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa sheegay in “la dhameystiray diyaargarowga howlgallada xasilinta gobolka oo muhiim u ah nabadda Suuriya iyo deriskeeda”

Balse Mr Trump ayaa uga digay Turkiga inaysan ka faa’iideysan go’aankiisa isagoo intaa ku daray inuu “burburin doono dhaqaalaha dalkaasi”

Magaalada Afrin ayaa waxaa ka qaxay dad badan oo rayid ahLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionRayid badan ayaa ka qaxay waqooyiga Suuriya

Sanadkii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa sare u qaaday canshuuraadka qaar ka mid ah waxyaabaha uu Turkigu u dhoofiya Mareykanka, wuxuuna sidoo kale cunaqatabeyn ku soo rogay qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee Turkiga.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu sii xumaanaya xiriirka labadan dal ee NATO ka wada tirsan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ayaa sheegay in ujeedadiisu tahay inuu la dagaalamo dagaalyahannada Kurdiyiinta uuna abuura goob nabdoon oo in ka badan 2 milyan oo qaxootiga Suuriya ee ku sugan Turkiga ay ku soo laaban karaan.

Xigasho BBCSomali.com.