Malaayiin Qof oo Isugu Soo Baxay Ciidda Oromada oo markii u horreysay Addis Ababa lagu qabtay

Filed under: Wararka |

Addis Ababa (aftahannews):- Dad aad u tira badan ayaa isugu soo baxay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo martigelineysa markii ugu horreysay ciida Oromoada ee sanadlaha ah ee “Mahad Naqa Eebe.” Oromada waa qowmiyadda ugu weyn dalka Itoobiya.

Ciidda Oromada 2019

Ciidda Oromada 2019

Dadka u soo baxay Ciidda Oromada Addis Ababa 2019

Dadka u soo baxay Ciidda Oromada Addis Ababa 2019

Ciiddan oo la yaqaanno Irreecha ayaa waxaa qeyb ka ah jaritaanka cows iyo ubaxyo qoyan oo lagu daadiya biyaha taas oo ka dhigan inay “Ilaah ugu mahadcelinayaan xilli roobaadka iyo billowga Gu’ga”.

People sprinkle water on their bodies as they take part in the Irreecha celebration, the Oromo thanksgiving ceremony in Addis AbabaLahaanshaha sawirkaREUTERS

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo malaayiin qof ay buux dhaafiyeen waddooyinka caasimadda Addis Ababa iyo fagaaraha caanka ah ee Meskel Square

Waxay qaadayeen heeso dhaqameed, iyagoo ruxayay callanka Itoobiya iyo caleemo qoyan.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaa sheegay inay filayeen 10 milyan oo qof inay isku soo baxaan.

People waving a flag and spraying waterLahaanshaha sawirkaAFP

Wakhtiyadii hore, dabbaaldegga noocan ah wuxuu ka dhici jiray Bishoftu, oo 40km u jirta Addis Ababa.

In dabbaaldeggan loo soo wareejiyay caasimadda oo daris la ah gobolka Oromada ayaa waxay dad badan u arkaan inay tahay aqoonsi ay dowladdu aqoonsatay dhaqankan. Sanado badan ayay Oromada ka sheeganeysay gacan bidixeyn dhinaca dhaqanka iyo siyaasadda ah.

Crowds in Meskel Square in Addis AbabaLahaanshaha sawirkaAFP

Waxaa la aaminsan yahay qowmiyadda oromoada ay gaarayaan 40 milyan oo qof, taasoo u dhiganta 30% tirada shacabka Itoobiya.

Ciiddan ayaa u ah fursad ay dadka Oromada ah ku xirtaan dhar dhaqameedka.

Ninkan oo ka yimid gobolka Shoa wuxuu xiran yahay dhar laga sameeyay maqaarka daanyeerka.

Man in traditional costume

kuushan ay dumarkan wajiyada ku xirteen ayaa labid ay caan ku yihiin dumarka Oromada.

Women in traditional costume

Labadan nin waxay ka so safreen magaalada Bale ee koonfurta dalka oo caasimadda u jirta 400km si ay ciidda uga qeyb qaataan. Duubka madaxa ugu xiran waxaa la xirtaa marka ay jiraan xafladaha dabbaaldegga dhaqammada Oromada.

Men in traditional costume

Haweeneydan waxay ka soo safartay gobolka Hararghe, ee bariga Itoobiya. Dharkan ay ku labbisan tahay ayaa gobolkaasi aad looga isticmaalaa.

Woman in traditional costume

Bulshooyin kale oo aan oromo ahayn ayaa sidoo kale dabaaldeggan ka qeyb qaatay.

An Ethiopian man from the Alaba region dances during the Irreecha celebrationLahaanshaha sawirkaREUTERS

Ra”iisal wasaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu laftirkiisa ka soo jeedaa qowmiyadda Oromada.

isbadello ballaaran ayuu dalka ka hirgaliyay tan iyo markii uu xukunka la wareegay.

Inkastoo dabbaaldaggan loo soo wareejiyay caasimadda markii ugu horreysay, haddana xukumadda waxay wali la daala dhaceysaa loolan adag oo u dhexeeya qowmiyadaha dalkaasi.

Young people in traditional costume

Sawirrada waxaa qaaday Yadeta Berhanu (BBC), Amensisa Negera (BBC), Reuters.

Xigasho BBCSomali.com.

You must be logged in to post a comment Login