Cali Khaliif Galaydh oo Muqdisho u Duulay, kana hadlay ujeedka Safarkiisa Soomaaliya

Hargeysa(aftahannews):- Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa, isla markaana sheegay inuu tegayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cali Khaliif Galaydh oo intii aanu ka duulin garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu Muqdisho u tegayo hawlo gaar u ah iyo inuu kula kulmayo guddiyo, isagoo sheegay inuu ku sii hakanayo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Prof. Galaydh oo sharraxaya sababta safarkiisa Muqdisho, rejada hirgelinta Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland iyo arrimo kaleba, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.