Guddoomiyaha Baarlamaanka Masar oo Isbarbar-dhigay Hoggaamiyihii Naasiga ee Malaayiinka Xasuuqay iyo Madaxweyne Casiisi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Masar Cali Abdel
Guddoomiyaha Baarlamaanka Masar Cali Abdel

Qahira (aftahannews):- Guddoomiyaha baarlamaanka Masar, ayaa xaalad ka abuuray onlinka ka dib markii uu amaan kala dul dhacay mashruucyadii hormarineed ee uu fuliyay kaligii taliyihii Adolf Hitler.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Masar Cali Abdel
Guddoomiyaha Baarlamaanka Masar Cali Abdel

Ali Abdel Aal ayaa hadalkan sheegay isagoo difaacayay qorshayaasha hormarineed ee madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi.

“Hitler khaladaad wuu lahaa balse waxa u sahlay in xukunkiisa uu ku baaho bariga iyo galbeedkaba waxay ahayd waxa uu aasaasay kaabayaal dhaqaale oo adag,” ayuu yiri Ali Abdel.

Mr Abdel Aal ayaa sheegay in hadalkaasi oo uu ka sheegay baarlamaanka si khalsdan loo fasiray.

Boqolaal qof ayaa toddobadyadii ugu dambeeyay xabsiga loo taxaabay ka dib dibadbaxyo looga soo horjeeday musuqmaasuq lala xiriiriyay dowladda iyo milatariga dalkaasi. Dalka Masar ayaa waxaa sanadadii dambe ka jirtay dhaqaale xumo iyadoo in ka badan 30% tirada dadka ku nool dalkaasi ay fuqara yihiin.

Sida laga soo xigtay website-ka Middle East Eye Gudoomiyaha ayaa xildhibaanada uu u sheegay inay aamusaan hal-daqiiqo oo lagu taageerayo dadaalada madaxweynaha.

Khudbadiisa ayaa waxa uu ku ammaanay “kaabeyaasha dhaqaalaha ee uu Jarmlka dhistay taasi oo hormuud ah u ah dunida oo dhan”.

“Dib u dhiska waddamada mararka qaar waxay u baahantahay in la adeegsado tallaabooyin adag sababtoo ah xilliyadaas ayay dhismaan kaabeyssha dhaqaalaha.”

Adolf Hitler waxa uu Jarmalka hoggaaminayay intii u dhaxeeysay sannadadii 1933 ilaa 1945 kaasi oo siyaabo kala duwan u laayay 11 milyan oo qof. Waxaana 6 milyan oo ka mid ah loo laayay inay ahaayeen yahuud.

Mucaaradka ayaa durbadiiba hadalkaasi dhaleeceyay iyagoo sheegay in isbarbardhigidda madaxweyne Sisi iyo Hitler ay dhaawici karto sharafta ay Masar dunida ka leedahay.

Mr Abdel Aal ayaa markii dambii warbaahinta Egypt Today u sheegay in Hitler uu geeystay dambiyo badan oo aan marnaba ammaan mudnayn.

Xigasho BBCSomali.com.