Daahir Rayaale oo Sheegay inuu dhayayo Nabarrada doorashadii Madaxtooyada Somaliland 2017

DAAHIR RAYAALE KAAHIN MADAXWEYNIHII SADDEXAAD EE SOMALILAND
DAAHIR RAYAALE KAAHIN MADAXWEYNIHII SADDEXAAD EE SOMALILAND

Boorama(Aftahannews):- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isu soo dhaweeyey Odayaasha dhaqanka ee gobollada galbeedka Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, kuwaas oo ku kala irdhoobay xanafta doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 2017-kii.

DAAHIR RAYAALE KAAHIN MADAXWEYNIHII SADDEXAAD EE SOMALILAND
DAAHIR RAYAALE KAAHIN MADAXWEYNIHII SADDEXAAD EE SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Md. Rayaale waxa uu sheegay inuu dhibsaday xanafta ka dhalatay doorashadaas, isla markaana uu doonayo in walaalnimadii iyo midnimadii dadka reer Awdal dib loo soo celiyo, isaga oo nin waliba xor u ah cidda uu dooranayo iyo xisbiga uu taageerayo, balse ay lama huraan tahay midnimada iyo walaalnimada in la dhawro markasta.

Haddaba, Kulankaas uu Maanta Daahir Rayaale guriga uu Boorama ka deggan yahay isugu keenay Madaxda dhaqanka Reer Awdal intooda badan, waxaa ka hadlay Rayaale ka sokow, qaar ka tirsan Salaaddiinta iyo Odayaasha kulankaas ka soo qaybgalay, waxaanannu warkooda oo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.