Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo Kenya isku Rogtay iyo Xildhibaanno Soomaali ah oo Baadhisi ku socoto

Nairobi(Aftahannews):- Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, ayaa baadhitaan lagu wadaa, ka dib markii isaga iyo mudanayaal kale oo Soomaali u badan lagu soo eedeeyey inay laba dhalasho haystaan.

Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa baasaboorada dalalka kale ay xilalkooda wayn doonaan.

Xildhibaannada Soomaalida ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya, isla markaana baadhistu ku socoto waxaa magacyadooda halkan idinkula wadaagaynaa dhawr ka mid ah, waxaanay kala yihiin; Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale oo qaarkood aanay Soomaali ahayn.

Haddaba, Aadan Barre oo durba qayliyey iyo warbixin ku saabsan arrintan oo sharciga Kenya ka soo horjeedda, waxaannu idiinkus oo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.