Ciraaq: Mudaharaaddada oo sii socda iyo dhimashada oo gaadhay 44

Ciraaq (Aftahannews) – Magaalooyinka Dalka Ciraaq waxa ka sii socda Mudaharaadyo waaweyn oo ay dhigayaan Dad u badan dhallinyaro.

Mudaharaadayaasha oo ka cabanaya Shaqo la’aan, Musuqmaasuq iyo Adeeg xumo ka jirta Xarumaha Dawladdu maamusho, ayaa bilaabmay Salaasadii Toddobaadkii tagay, laakiin Jimcaha Maanta dib uga curtay Magaalada Baqdaad oo Bandoo lagu soo rogay Salaasadii Markii dibed-baxyadu bilaabmeen.

Ciidammada Amniga oo ay ku jiraan Millateriga Ciraaq ayaa iyagoo isku dayaya inay ka hor-tagaan Mudahaaradayaasha waxay rasaas nool ku rideen Dadka Mudaharaadaya, taasi oo keentay inay kor u kacdo Tirada dadka Geeriyooday inta dibed-baxyadani socdeen.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya Ciraaq ayaa sheegaya in dhimashadu marayso illaa 44 Qof, kuwaasi oo ku naf waayay rasaas nool oo ay Ciidammada Amnigu ku rideen Mudaharaadayaasha, dhaawaca ayaa intaa aad uga badan marka la eego Dalka oo dhan, waxaanu ku dhow yahay 500.

Mudaharaaddadu waxa kale oo ay aad uga socdaan Magaalooyinka Koonfurta Ciraaq, sida Naasiriyah.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.