Somaliland Ugu Kaalay Dowlad iyo Dadweyne Caqli-carruur ah: Ma Gorgorbaa Mise waa Xuur?

XUURTA TALISKA BOOLISKA SOMALILAND LAGU SOO BANDHIGAY
XUURTA TALISKA BOOLISKA SOMALILAND LAGU SOO BANDHIGAY

Shimbir la sheegay inay tahay gorgor dad-qaad ah ayaa baqtigeeda lagu soo bandhigay talisyada booliska ee magaalooyinka Hargeysa iyo Caynabo, shimbirtaas oo la sheegay inuu dilay nin dhallinyaro ah oo ku dooday inay weerar ku soo qaaday.

XUURTA TALISKA BOOLISKA SOMALILAND LAGU SOO BANDHIGAY
XUURTA TALISKA BOOLISKA SOMALILAND LAGU SOO BANDHIGAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shimbirtan la soo bandhigay waa shimbir qoorteedu dheertahay, af dhuuban oo dheerna leh, cagaheeduna dhumuc yaryihiin, waxayn ka duwan tahay astaamaha lagu yaqaan gorgorka oo leh lugo awood badan oo ciddiyo adag leh, af adag oo gaaban. Marka astaamahaas la eego shimbirtan laguma sheegi karo gorgor ee waxay u eegtay noocyo ka mid ah xuurta afka dhuuban iyo qoorta dheer leh. Muuqaalada hoose ayeydun arrintan kaga bogan kartaan.

Taas waxaaba ka sii daran ninkan dhallinyarada ah doodiisu way jaban tahay, sababtoo ah isaga ayaaba afkiisa isku buriyey oo laba maalmood oo isku xiga inoo sheegay laba hadal oo kala duwan, kadib markii uu ka warbixinayey qaabka uu u dilay shimbirkan. Maalintii Khamiista waxa uu magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar ka sheegay hadal ka duwan hadalkii uu ka sheegay xarunta Taliska Booliska ee Caasimadda Hargeysa Jimcihii maanta.

Bal u fiirso hadalkiisii Caynabo; “8:30 subaxnimo meelahaas ayey ahayd, dabeedna sidaas ayaan iskaga eegay oo markii ay meel dhaw soo socdeen ayaan arkay inay yihiin wax i weerarsan, dabeedna qori ayaan haystay oo qorigii ayaan ku dhawaaday, meel dhaw markii ay soo socdeen ayaan markaa xabbad ku riday, dabeedna xabbaddii way ku dhacday oo wuu soo dhacay, labada garab ayuu iga soo abbaaray oo halkaas (labada garab) ayuu igaga istaagay, isagoo dhaawac ah, dabeedna fuqa ayaan ku dhegay, qorigiina waan tuuray, dabeetana markaa waannu dagaalannay oo muddo dheer ayaannu is haysanay…..markaa waxa aan soo qaatay dhagax iyo qori xaabo ah, dabeedna kaas ayaan ku garaacay, dee sidaas ayaan bahalkaas ku dilay.”

Ka rog oo haddana saar. Ninkaas dhallinyarada ah iyo raqda shimbirtii yarayd waxa loo soo gelbiyey Hargeysa oo waxaaba la geeyey xarunta Talista Dhexe ee Ciidanka Booliska ee Caasimadda Hargeysa, waxaanna halkaas lagu soo bandhigay shimbartan afka dheer ee lugaha dhuudhuuban ee aan weelna wax astaan ah kala wadaagin gorgorkan la sheegayo, marka laga reebo inay isku yihiin habda baalalayda, iyadoo ay goobta joogeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo hoggaanka sare ee Ciidanka Booliska.

Ninkaas dhallinyarada ah, waxa uu ka warbixiyey qaabkii uu sheegay inuu u dilay shimbirtan; waxaannu yidhi; “….Ka bacdi waxa aan dareemay guux, waddooyinka ayaan eegay, dabeedna wax baabuur ah oo soo socda waan arki waayey, markaa hawada ayaan eegay oo waxa aan arkay bahalo soo degaya oo ilaa 11 mid ah oo igu soo degaya oo lugaha iyo afka soo laalaadinaya, dabadeed mid ka mid ah ayaa markaa hoos iigu soo degay, qori ayaan sitay oo meel ayuu iigu tiirsanaa, kabacdi waxa aan markaa is idhi; ‘bahalkani waa wixii dadka cuni jiray ee xaga qorigii u kac.’ Dabeed inta aanan qorigii gaadhin ayuu markaa wuxuu igu bilaabay baalashii, dhirbaaxo ayuu igu waalay, dabadeedna aniga oo yar sirinsirqaysan ayaan markaa qorigii gaadhay, qorigii markii aan gacanta midigta la haleeyay ayuu labada garab iskaga kay taagay, markaa gacantaas bidixda ayaan halkaas cudda ayaan qabtay oo waxaan iska ilaaliyey yaannu afkan dheer maskaxda kaaga daloolin…markii uu arkay in aan luqunta ayuu hayo ayuu lugaha igula dagaalamay oo markii uu maryaha iga jeexjeexay… markaas ayaan qorigii haleeyay oo markaas ayaan xabbadda ku dhuftay….”

Ninkani markii uu joogay Caynabo waxa uu inoo sheegay inuu shimbirta uu cirka duulaysa uu xabbad ku dhuftay, kadibna iyadoo dhaawac ah ay labada garab kaga soo degtay, markii dambena uu dhagax iyo qori xaabbo ah ku dilay, maantana waxa uu inoo sheegay in shimbirtu si toos ah iyadoo aan waxba qabin ay labada garab kaga fadhiisatay oo ay muddo dagaalameen, kadibna uu iyadoo garabka kaga fadhida uu xabbad ku dhuftay. Cajiib. Labadan jeer markii ayuu khaldan yahay, markee ayuuse saxan yahay. Taas waxaaba ka daran labada hadalba waxa uu ka horsheegay ciidanka booliska, halkaasi baadhis dheer ayey u baahan tahaye.

Arrimahan marka la eego waxa inoo muuqanaysa in dalka Somaliland uu leeyahay dowlad iyo dadweyne caqli-carruur ah oo wixii loo sheego iska rumaysta, ceebta kale waxay dusha ka saaran tahay bahda saxaafadda ee ka gaabiyey inay falan-qayn iyo lafa-gur ku sameeyaan dhacdooyinka lala wadaago ama ay goob-joogga u yihiin, kadibna wax xaqiiqo ah u soo gudbiyaan bulshada. Bal hadalka ninkan dhallinyarada ah saxaafaddu dib ha ugu fiirsato.

Ujeedadaydu maaha in aan beeniyo ama xaqiiyo in shimbirtani ay dhibaato u gaysatay ninkan dhallinyarada ah ama ay weerar ku soo qaadayba, laakiin muqaalka shimbirtan itaalka daran ee lugaha dhuudhuuban ayaa sida baabuurta u soo guuxday aniga way i mari wayday, iyadoo markhaatiga kale yahay sida ay isku burinayaan hadallada uu ninkani inala wadaagay oo mar waxa uu ina leeyahay; shimbirtu iyadoo soo duulaysa ayaan toogtay, marna waxa uu ina leeyahay markii ay garabka igaga fadhiisatay ayaan xabbad ku dhuftay!!!
Halkan ka eeg hadalka hore ee uu ka jeediyey Caynabo
https://www.youtube.com/watch?v=4-nIVOVhepI&pbjreload=10
Halkan ka eeg hadalka dambe ee uu ka jeediyey Hargeysa
https://www.youtube.com/watch?v=8L2V7G7A04g

Waxa Qoray Weriye Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Hargeysa/Somaliland.