Prof: Geedoole, Intii aad Wasiirka ahayd Ma jiraa Qalad aad Bulshada kaga gashay Masuuliyadda oo aad Maanta Qiranaysaa?

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa taageeray inay dowladda Somaliland la wareegto keenista iyo gacan-ku-haynta Shidaalka oo ay markii hore Shirkado ganacsi keeni jireen, dhawaanna Xukuumaddu sheegtay inay la wareegtay iyadu, waxa uu sidoo kale soo dhaweeyey nidaamka ay waxbarashada dowladda u dejinayso dowladdu ee ay sheegtay inay ku tayeynayso waxbarashada dugsiyada ay maamusho.

Prof: Geedoole oo Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal ku waraystay Barnaamijka Xog-wadaag ee ka baxa Baddacas24tTV, waxa uu ka jawaabay su’aalo kala duwan oo intii barnaamijku socday lagaga weydiiyey arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa wakhtigan dalka ka taagan iyo xilligii uu isagu xilka Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha ee Xukuumaddii Siilaanyo hayey qaladaad ka dhacay hadduu jiro iyo in kale.

Waxa uu Geedoole sheegay inay Siyaasiyiinta Garabka Badbaadada Waddani la baxay ee uu ka midka yahay samaysan doonaan Shirweyne haddii ay Maxkamaddu go’aan degdeg ah soo saari weydo, isla markaana ay furan doonaan Xafiisyada gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland ee ay ku metelayaan Xisbiga, sida uu ku dooday.

Faarax Geedoole waxa uu sheegay inay ku qanci doonaan qaraarka ay Maxkamaddu soo saarto, haddii uu ka farxiyo iyo haddii uu ka nixiyaba, maaddaama oo ay markasta sharci u ayidsan yihiin go’aanka Maxkamadda sare ee dalka, waxa uu naqdiyey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo 29-ka bishan ka furmi doona magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Haddaba, Prof: Faarax Cilmi Geedoole Waraysiga Barnaamijka Xog-wadaag ee BC24TV lagula yeeshay oo dhammaysitan iyo siduu u dhacay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose, ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.