Al-shabaab oo weerar qaraxyo ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Aftahannews)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo subaxnimadii hore ee saaka xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan uu ku bilowday qarax ismiidaamin  ah oo lagu furay afaafka hore ee xerada, waxaana xigay dagaal toos ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan degmada Awdheegle

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka oo la sheegay inuu qaatay saacado badan, lana isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ururka Al-shabaab ayaa warbaahintooda ka sheegay in ay saacado kooban la wareegeen saldhigga khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacna u geysteen ciidamadii halkaa ku sugnaa.

Goobjoogayaal magacyadooda qariyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay arkeen gaadiid dagaal oo Al-shabaab ay kala baxeen saldhigga la weeraray.

Laakiin dhnaca kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka islamarkaana khasaare xoog leh gaadhsiiyeen xoogagga Al-shabaab weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in deegaanka xaalad kacsanaan ah ayaa la soo sheegayaa in laga dareemayo  deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.