Qaramada Midboobey oo taageeray qorshe Xuutiyiintu soo bandhigeen

Hargeisa (Aftahannews)- Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey qorshe nabadeed oo ay soo bandhigeen fallaagada Xuutiyiinta Yemeneed ee Iran taageerto, kaas oo ah in ay joojinayaan weerarrada ay ku hayaan Sucuudiga.

Qoraal Xuutiyiintu baahiyeen ayaa lagu sheegay in ujeedada soo jeedintoodu tahay “fariin cad oo muujinaysa rabitaankooda ah in dagaalka la soo af-jaro”.

Qorshahan Xuutiyiintu wuxu soo baxay todobaad uun ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo lagu weeraray ceelasha saliidda Sucuudiga ee Abqiiq iyo Khurays.

Fallaagadaas ayaa sheegtay in ay iyagu weerarkaa qaadeen, laakiin Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa labaduba Iran ku eedeeyey. Hase ahaateen Tehran way beenisay in ay ku lug lahayd weerarradaas.

Dagaalka sokeeye ee Yemen ka socda waxa ku dhintay 10,000 oo malaayiin qof oo kalena macaluul ayuu qarka u saaray, arintaas oo lagu tilmaamay duruuftii ugu xumayd ee dad samee ah ee ku habsata.

Hadal laga sii daayey Telefishanka ayaa gudoomiyaha Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, Mahdi Al-Mashat, waxa uu ku sheegay in ururku diyaar u yahay inuu joojiy dhamaan weerarada uu ku hayo Sucuudiga hadii boqortooyadu iyadna sidoo kale yeelayso.

“Xaq baanu u leenayay in aan ka noqono qorshahan hadii aanu wax jawaab ah heli weyno” ayuu yidhi, waxaanu ugu baaqay dhamaan dhinacyada reer Yemen in ay ka wada shaqeeyaan “dib u heshiisiin qaran dhamaystiran.”

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Martin Griffiths, ayaa soo dhaweeyey hakinta weerarada waxaanu ku baaqay in xal siyaasadeed la gaadho.

“Ergeyga gaarka ahi waxa uu ku nuux nuux sanayaa muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidayso fursadan oo hore loo falo waxyaabaha aan laga maarmayn ee lagu joojin karo colaadda, laba kaclaynta dagaalka iyo hadal tirada aan wax tarka lahayn” ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday xafiiskiisiisa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.