Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalah Dowladda oo Ku Haftay Su’aalo laga weydiiyey Shaqaale la Caydhiyey

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dowladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa ku haftay jawaabaha su’aalo kala duwan oo ay warbaahintu maanta ka weydiiyeen Shaqaale kala duwan oo la eryey, kuwo mushaharka laga joojiyey iyo kuwo dalka iskaga baxay markii ay dowladdu shaqada si aan ka fiirsi lahayn uga eriday.

Shaqaalaha Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa laga eryey bishii hore, ayaa iradoodu ahayd illaa 45 Qof, kuwaas oo la sheegay in laga shaqaalaysiisay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Waxaa ay shaqaalahaasi u shaqaynayeen hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan duulimaadyadda ee ICOA, isla markaana ka hawl gelayay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa ku dooday in xubnahaasi aanay ka mid ahayn shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda, sidaas darteedna aanay wax xuquuq ah ku lahayn dawladda.

Farxaan Aadan Haybe, oo ay warbaahintu wax ka waydiisay cabashadda ka taagan arrinta shaqaalahaasi u shaqaynayay hay’adda UN ICOA kadib kulan ay la yeesheen guddi hoosaadka toogtadda ah ee Wakiiladu.

Waxaanu sheegay in shaqaalahaasi ay xuquuqdoodii ku leeyihiin hay’adda ICOA oo ay shaqaale rasmiya u ahaayeen, balse aanay wax xuquuq ah ku yeelanaynin dawladda Somaliland.

“Shaqaaluhu waxay ku shaqaaloobaan markay payroll-ka galaan. Heshiiska xeerka shaqaluhu waxa weeye, marka qofku payroll-ka uu gallo waxa uu wax ku yeelanayaa xuquuqda shaqaalaha dawladda.

Haddii aanu ku jirin, ama ku-meel gaadh ha noqdo, ama la taliye hay’adi wasaarad u keentay ha noqdo, ama ha noqdo qof kaloo shaqadda si kale loo keenay, xuquuqaadkii shaqaalenimo oo dhan, wuu ka madax banaanaanayaa.

Taa macnaheedu waxa weeye, shaqaalahaasi markii aan wasiirka ahaana way joogeen. Shaqaale UN-ka u shaqeeya ayay ahaayeen, gaar ahaana UN ICOA ayay ahaayeen. Iyaga ayaanay xuquuqdoodii ku leeyihiin”.

Waxa kaloo uu sheegay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland in in aanay shaqaalahaasi ka mid ahayn shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda, sidaas darteedna aanay wax xuquuq ah lahayn.

“Shaqsiyaad ahaan iyo muwaadiniin ahaan uma fogaynayno. Laakiin, marka xuquuqaadka shaqaalaha laga hadlayo, kama mid ahayn shaqaalaha payroll-ka ku jiray ee dawladda. Xuquuqdooda waxay ku leeyihiin hay’adaas UN-ka duulimaadyadda u qaabilsan”ayuu yidhi Farxaan Aadan haybe.

Dhinaca kale, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo wax laga waydiiyay waa uga qorshaysan dhalinyaradii soo dhamaystay barnaamijka shaqo qaran, waxaanu sheegay in dhalinyaradaasi ay ka mid yihiin shaqaalaha qaranka.

Maadaama oo ay sidii la jideeyay soo dhamaysteen barnaamijkii lagu carbinayay, isla markaana sanadkan dhamaadkiisa si rasmiya uga mid noqonayaan shaqaalaha dawladda.

“Nidaamka la jideeyay ee shaqo qaran waxa weeye, marka qofku shaqo qaran soo dhamaysto ayuu ka mid noqonayaa, in uu xaq u yeesho in uu payroll-ka gallo ama loo balan qaaday dhalinyaradii ku guulaysatay.

Sanadkan dhamaadkiisa ayaanay ku soo wareegayaan in ay galaan payroll-ka, oo ay shaqaale rasmiya   noqdaan, qorshuhu-na waa sidaas. Kuwa soo socdana waa sidaas oo kale”ayuu yidhi guddoomiye Farxaan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Shaqo qaran ilaa hadda payroll-ka may soo gelin, waxay gelayaan, iyadoo loo ansixiyay in ay ka mid noqonayaan shaqaalaha dawladda ee rasmiga ah. Waanan kuu cadaynayaa taa, marka ay payroll-ka soo galaan”.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ku Haftay Jawaabaha Su’aalaha la weydiiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.