Sucuudiga oo ku Hanjabay inuu ka jawaabayo Weerarkii Ceelashiisa Shidaal lagu Burburiyey

Riyadh (Aftahannews):- Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa hanjabtay, isla markaana sheegtay inay ka jawaabayso marka ay qiimaynta lagama maarmaanka ah ay ku sameeyaan weerarkii lagu qaaday Ceelal Shidaal iyo Wershad Saliidda sifaysa oo Sucuudigu leeyahay.

Wasiirka arrimaha dibedda Sucuudiga Cadel al-Jubeyr, ayaa sheegay in hubkii loo isticmaalay weerarkaasi uu ahaa Hubka Iran, waxaanu ku hanjabay inay baahin doonaan xaqiiqo buuxda oo ku saabsan baadhitaanka dhacdadaasi.

Sabtidii maanta, ayaa Sarkaal sare oo ka tirsan Millateriga dalka Iran uu sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay burburiso Gardarada kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay inay ciidamo u diyarayaan Sucuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo Iran ay taageero ayaa iyagu sheegtay masuuliyada weerar diyaarad aan nooca duuliyaha lahayn iyo Gantaal lagu duqeeyey 14-kii September xarumaha shidaalka loo adeegsado ee dalkaasi.

Xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu joojiyey heshiis dhinaca Nuclear-ka ah oo hore loola galay Iran, Cunaqabatayno dheeraad ahna uu dul dhigay dalkaasi Iran.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.