“Nabad waartaa waxay u baahan tahay Dowladnimo loo dhanyey iyo Caddaalad..” Qaramada Midoobay

Muqdisho (Aftahannews):- Qaramada Midoobay, ayaa dadweynaha Soomaaliya ugu baaqday inay si wada-jir ah gacan uga geystaan Nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya, si dalku uu horumar u gaadho mustaqbalka Dhow.

War-saxaafadeed lagu soo beegay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, ayaa Ergaya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James Swan, wuxuu ugu baaqay reer Soomaaliya inay ka shaqeeyaan nabadgalyada dalkooda.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u qornaa sidan “Iyadoo Adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee  Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu  maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka  geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda. Dadka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer u soo joogeen.

Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo  amniga loona soo afjaro rabshadaha.

Nabad waarta waxay sidoo kale u baahan tahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, caddaalad loo siman yahay, iyo wada-hadal joogto ah oo dhex mara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaadho is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran.

Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay ku wada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.