Gudoomiye ku xigeenka UCID oo dhaliilo u jeediyey Madaxweyne Biixi

Boorama (Aftahannews) – Qaasim Sheekh Ibraahim Tubee oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee xisbiga UCID ayaa ka hadlay xaaladaha ka taagan gobolka Awdal iyo sidoo kale ciidamo la sheegay in magaalada Boorama la keenay.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga UCID Mr Tubeec ayaa sidoo kale xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay maamul xumo sababtay in dalka ay jabhado ka tilaacaan, sida uu hadalka u dhigay Gudoomiye ku xigeenka UCID.

Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaynu wada marag furaynaa magaalada Boorama gaar ahaan gobolka Awdal inuu dhulkii nabadda yahay in aanu u baahnayn maanta ciidamo la soo xoojiyo in aanu u baahnayn maanta dad aan furaynin in aanay rarin Somaliland, xisbi ahaan waxaanu u arkaynaa, ciidankaasi ku farxi mayno hadaanu UCID nahay, Kulmiyana ku farxmi maayo, Waddanina ku farxi maayo in dagaal laga abuuro meesha oo dagaal ka yimaado cidina ku farxi mayso, ciidankaasi fadqalalo ayuunbuu soo wadaan ciidankaasi xeryahooda ha lagu celiyo,” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID.

Waxa kae oo u Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID uu ka hadlay talo maroorsi uu ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliand, kaas oo uu tilmaamay in maamul xumo balaadhan ay dul hoganayso Madaxweyne Muuse Biixi.

“Waa nasiib daro, anigu marnaba uma malaynaynin in Somaliland gaar ahaan Awdal jabhadi ka soo horjeeda Somaliland inay abuurmayaan, horta maamul xumada Muuse Waxay keentay in dadkii ku fikiraan jabhado, Dila jabhadi way jirtaa, tii Wabarna hada way soo noolaynaysaa oo way soo socotaa, waxaas oo dhami waa maamul xumada Muuse Biixi, reer Awdalna waxaa diyaar uma ahayn shuqulna kumay lahayn ee maamul xumada Muuse ayaa ku keentay.

Dhalinyaradu intaanay gobolkan intaas oo goor ayay kala xaajoodeen dhibaatadooda, way sheegeen waxaanay yidhaahdeen Hargeysaanu ka soo jawaabi, markaa imika waxay ka aamin baxeen oo aanay aaminayn Odayaashoodii horjoogay ee salaadiintooda ah,” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga UCID Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.