Farmaajo oo Saxeexay Xeerka La-dagaallanka Musuqa ee Soomaaliya oo Calanka u sidda Dunida Musuqa

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SAXEEXAY XEERKA LADAGAALLANKA MUSUQMAASUQA 2019
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SAXEEXAY XEERKA LADAGAALLANKA MUSUQMAASUQA 2019
Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Maanta Saxeexay Xeerka lagu dhisayo Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa Soomaaliya oo kaalinta koowaad kaga jirta Liiska dalalka Musuqu ragaadiyey.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SAXEEXAY XEERKA LADAGAALLANKA MUSUQMAASUQA 2019
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SAXEEXAY XEERKA LADAGAALLANKA MUSUQMAASUQA 2019
Sharcigan Madaxweyne Farmaajo maanta saxeexay, ayaa noqonaya Sharciga dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee Soomaaliay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay dhibaatada uu musuqmaasuqu ku hayo dowladnimada iyo horumarka dalka, isaga oo xusay in sharcigani uu horseedayo dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa, kuwaas oo u xilsaaran ka hortagga iyo xakamaynta musuqmaasuqa.

“Musuqmaasuqu waa cudur kansarka ka daran. Maxaa yeelay kansarku qof qura ayuu dilaa, laakiin musuqmaasuqu bulshada oo dhan ayuu dilaa. Waxaan rajaynaynaa in xubnaha Guddiyadan la soo xulayo ay noqdaan dad ku tilmaaman dhaqan wanaagsan, diin iyo waddaniyad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan dadkii qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay doorkii ay ku lahaayeen tifaftirka iyo dhammaystirka Sharciga.

“Dowlad wanaaggu waa wax dowladda laga rabo, waa nagu waajib in aan hagaajinno heerarka kale duwan ee Dowladda. Waa xaqiiq in hal mar aan la wada sixi karin wax walba, maadaama dalku muddo dheer burbursanaa oo ay abuurmeen dhaqanno xun, marka in dhaqankaas iyo hab-fekerka bulshada la beddelo ayaan rabnaa”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbayntii munaasabadda ku saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiyada La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ku salaysan qodobka 111-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.