Suldaan Maxamed Suldaan Axmed oo Baaq Nabadeed iyo Talo u Diray Beelaha Ceel-afweyn iyo Dowladda

Hargeysa(aftahannews):- Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Madaxda dhaqanka ee Somaliland, ayaa Baaq nabadeed iyo talo guud u diray Beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaannada Ceel-afweyn oo colaad soo noqnoqotay u dhaxaysay dhawrkii sano ee u dambeeyey.

Suldaanku waxa uu sidoo kale Baaq u diray Madaxda dhaqanka, Xukuumadda Somaliland, Odayaasha iyo Qurbo-joogga labadaas Beelood ee walaalaha ah oo uu ugu baaqay inay horumar iyo walaalnimo sidii loo heli lahaa ku mashquulaan, dagaalkana ka koraan, maaddaama oo dhib mooyee dheef cidi ka dhaxlaysaa jirin.

Haddaba, Hadalka Suldaan Maxamed Suldaan Axmed oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.