Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Xildhibaanno oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Boorama

XILDHIBAANNO LAGU XIDHAY BOORAMA OO GOLAHA DEEGAANKA KA TIRSAN 2019
XILDHIBAANNO LAGU XIDHAY BOORAMA OO GOLAHA DEEGAANKA KA TIRSAN 2019

Boorama(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama.

XILDHIBAANNO LAGU XIDHAY BOORAMA OO GOLAHA DEEGAANKA KA TIRSAN 2019
XILDHIBAANNO LAGU XIDHAY BOORAMA OO GOLAHA DEEGAANKA KA TIRSAN 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saddexdan xildhibaan oo la xidhay Khamiistii, isla markaana saddex maalmood hadda ku xidhan Boorama, ayaa kala ahaa Xildhibaan Maxamed Muxumed Dheereyste oo hore maayar ku xigeen uga noqday degmada Boorama, Xildhibaan Mustafe Xayte iyo xildhibaan Indho Sheel.

Xukuumadda Somailland iyo maamullada heer gobol iyo degmo ee Boorama iyo Awdal illaa hadda kamay hadal, manay sheegin sababta loo xidhay Xildhibaannadaas xasaanaddooda sharcigu dhawray leh.

Haseyeeshee, waxay ila-wareedyada qaar tibaaxayaan in lagu haysto inay wadeen dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Xukuumadda talada Somaliland haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Boorama iyo nawaaxigeeda lagu arkay Ciidammo ka badan kuwii hore u joogay, sida ay Siyaasiyiin Mucaarad ahi Warbaahinta qaar u sheegeen, iyadoo ay jireen warar sheegaya inay jabhado ka abuurmeen gobolka Awdal, waloow ay Masuuliyiin Dowladda u hadlay beeniyeen jiritaanka Jabhadaha la sheegay.

Sidoo kale, Warkaas waxaad kaga bogan kartaan oo aannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaal-dhegaysigan hoose:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.