Barnaamijka Xog-wadaag ee BC24TV oo Xildhibaan Siciid Gaane lagula yeeshay Waraysi Xasaasi ah

Hargeysa(aftahannews):- Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi soo food-saareen Culaysyo Siyaasadeed oo dibedda kaga yimi, waxaanu ku eedeeyey sharci-jebin iyo musuqmaasuq Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. 

Xildhibaan Gaane, oo u warramay Barnaamijka Xog-wadaag oo ka baxa Baddacas24tv, isla markaana uu daaddihiyo Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayaa sheegay in culaysyo siyaasadeed oo dibedda kaga yimi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku kallifeen hadallo isburiyey oo uu Sabtidii iyo axaddii toddobaadkan ka kala jeediyey Berbera iyo Burco ee la xidhiidhay saldhigga Millateri ee imaaraadka laga siiyey Berbera oo uu marna sheegay inay la soo noqdeen, saacado ka dibna uu yidhi heshiiskii kamaannu bixin.

Waxa kale oo uu Xildhibaanku Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyey sharci-jebin. Md. Siciid Gaane wuxuu xusay in Madaxweyne Biixi iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamartu dagaal gaar ah la galeen isaga, isla markaana Shir-guddoonka Wakiillada ay ku amreen inuu ka qaado xilka Guddoomiyaha Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabeeciga ah ee Golahaas oo uu muddo hayey.

Xildhibaan Siciid Warsame mar uu ka hadlayey wadahadalka Hoggaamiyaha Jabhad ku jirta Buuralayda gobolka Sanaag ee Siciid Cawil Carre iyo Xukuumadda Somaliland, oo uu sheegay in Urur-goboleedka IGAD soo dhexgalay, isla markaana labada dhinacba talooyin u jeediyeen wadahadal ka dib.

Waxa kale oo uu sheegay in Xeerarka dalka iyo Dastuurka Qaranka aanay ku dhaqmin oo ay Madaxweynaha iyo Wasiirradiisu dhulka iska dhigeen, siday iyagu jecel yihiinna u shaqeeyaan, heshiisyo kala duwan oo aan sharciga la soo marinna shirkado shisheeye oo dhawr ah ay la gashay Xukuumadda Biixi.

Heshiisyada sharci-darrada uu ku tilmaamay Xildhibaan Siciid, ayuu ku sheegay inay ka mid yihiin Wershadda Sibidhka Berbera, Shirkad lagu sheegay inay Shidaal sifaynayso oo Qoyska Madaxtooyadu qayb ka yahay iyo go’aanka ay Xukuumaddu ku sheegtay inay keenista shidaalka kula wareegayso, kuwaas oo uu tilmaamay dhammaan inaan sharciga la marin, sida lagu wadaana indha-adayg iyo sharci la’aan tahay.

Haddaba, Xildhibaan Siciid Maxamed Gaane oo arrimahaas kala duwan sharraxaya, su’aalaha Barnaamijka Xog-wadaag lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka oo dhammaystiran, muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.