Shil Gaadhi oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(aftahannews):- Ugu yaraan laba Ruux, ayaa ku geeriyooday, in ka badanina way ku dhaawacmeen Shil Gaadhi oo gelinkii dambe ee Jimcaha maanta ka dhacay Jidka Waran-cadde oo ku yaall Xaafadda New Hargeysa oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.

Shilkaas oo yimi ka dib markii uu Gaadhi Booyad ahi ka soo taraaray Dallacadda Wadda Waran-cadde uu galay Makhaayad ku taallay waddada dhinaceeda. Ciidanka Dab-damiska, kuwa nabadgelyada Waddooyinka iyo Shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee Somaliland, ayaa markiiba gaadhay goobtaas shilku ka dhacay.

Allaah ha u naxariistee Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Shilkaas, ayaa loo qaaday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo kuwa dhaawacmay xaaladdooda lagula tacaalayo. Ciidanka nabadgelyada waddooyinka (Taraafikada) oo aan Xaruntooda guud ka fogeyn goobta shilku ka dhacay, ayaa sheegay inay baadhayaan sida uu shilkaasi u dhacay.

Halkan hoose waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Shilkaasi halkuu ka dhacay iyo siduu u dhacay warkooban oo ku saabsan, ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.