Muddaharaadyo ka dhan ah Cimilada Sii Xumaanaysa oo ka dhacay 150 Dal iyo Soomaalida oo aan u dhaqaaqin

BANNAANBAXA CIMILADA DUNIDA 2019
BANNAANBAXA CIMILADA DUNIDA 2019

Dunida(Aftahannews):- Mudaharaadyada isbddelka cimilada caalamka ayaa dunida oo dhan ka socda, iyada oo malaayiin qof ay ka qayqaateen, ayaa ka dhacan 150 Dal oo Dunida ah.

BANNAANBAXA CIMILADA DUNIDA 2019
BANNAANBAXA CIMILADA DUNIDA 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bannaan-baxyadaa ay Muddaharaadayaash ku dalbanayeen in la helo cimilo caddaalad ku dhisan oo caafimaad qabta, isla markaana dunida deeqda, si loo helo nolol ka fayoow dhibaatooyinka cimilada sii xumaanaysa.

Ololahan soo kiciyey  gabadh yar oo lagu magacaabo Greta Thunberg, oo dalbatay iney 1.1 milyan Qof oo caruur ah ay ka qaybqaataan mudaharaadka la xidhiidha cimilada.

Mudaharaadayaasha Magaalada Bangkok ee dalka Thailand, ayaa waxay sida Meydka oo kale u wadhnaayeen afaafka hore ee xafiiska Wasaaradda Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Bangkok, iyaga oo muujinaya sida ay uga xun yihiin wax ka qabasho la’aanta wasakhawga hawada iyo cimilada sii xumaanaysa.

Magaalada Southampton ee dalka UKInta ay goobta mudaharaadka ka dhacayo ay gaadhin ka hor dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka waxay soo muuqdeen iyaga oo dhar cas soo xidhay.

Isu-soo baxayaasha, ayaa sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin Hal-ku-dhegyo iyo weedho ay ku dalbanayaan inay dawladaha dunidu wada jir wax uga qabtaan cimilada sii xumaanaysa.

Somaliland oo ka mid ah dalalka is-beddelka Cilmadu aadka u samaaynayo, isla markaana laga dayriyey saamaynta ku soo fool-leh, sida ay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare dhawaan sheegtay, ayaan haba-yaraatee laga dareemin dhaqdhaqaaqa iyo ololaha 150-ka waddan ee dunida ah maanta ka dhacay.

Sidoo kale, dalalka Soomaaliya, Itoobiy iyo Jabuuti, ayaa iyaguna ka mid ah dalalka aan maanta isu soo baxaas laga oogin. Maraykanka, ayaa hore uga baxay heshiiska cimilada dunida wax lagaga qabanayo, markii uu Madaxweyne Trump xilka qabtay ka dib, waxaanu go’aanka Trump ka cadhaysiiyey dadka u ololeeya Cimilada Dunida ee sii xumaanaysa iyo dalalka ay hore heshiiskaas ugu wada jireen.

Isu-soo baxan ka dhanka ah cimilada sii xumaanaysa ee caalamka, ayaa maanta ahaa warka ugu weyn dunida, isla markaana ay Warbaahinta caalamku aad u qaadaa dhigaysay oo ahaa midka lagu wada mashquulay, iyadoo dadka cimilada ka faalloodaa ku doodayaan inuu wuxuu beddeli karo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.