Somaliland: Laba Wiil oo Aroos wada dhigtay – Daawo Warbixin yaab leh

Burco(aftahannews):- Laba Wiil oo saaxiibbo muddo ahaa, ayaa Aroos ku wada dhigtay duleedka magaalada Burco ee Somaliland.

Labadan Wiil, ayaa guri wada degganaa muddo sannado ah oo ay saaxiibbo nafwadaaga ahaayeen siday sheegeen, waxay go’aansadeen inay mar wada guursadaan, isla markaana qaddarta Illaahay way u rumawday oo waxay kala guursadeen laba Gabdhood oo iyaguna sidoo kale saaxiib ahaa dhawr iyo toban sano. Waxaanay afartan lammaane ee lababa dhan saaxiibka u ahaayeen isla qaateen inay hal mar iyo hal meel arooska ku wada qabsadaan, taasna Illaahay wuu u rumeeyey.

Haddaba, Weriye Maxamed Siciid Gaaxnuug oo Baddacas24tv uga soo warrama gobolka Togdheer, ayaa booqday afartan lammaane ee labada qoys hadda yagleelay, isla markaana warbixin xiiso leh.

Warbixintaas oo dhammaystiran waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.