Dugsiyada Nuura-diin Door intee le’eg bay u leeyihiin Horumarka & Hana-qaadka Waxbarashada Somaliland?

Maamulaha Nuura-diin oo la Hadlaya Arday Tiro badan 2019
Maamulaha Nuura-diin oo la Hadlaya Arday Tiro badan 2019

“Dugsiga Nuuradiin Shamac Siraaday Barbaarinta Ubadka Jamhuuriyada Somaliland”

Dugsiyada Nuuraadiin Wuxuu ka mid yahay Dugsiyada gaar loo leeyahay ee laga hirgaliyay Jamhuuriyada Somaliland, Isagoo Qayb Laxaadle ka Qaatay Kor Uqaadida Waxbarashada  dalka, oo wakhtigan Maraysa meel aad u Wanaagsan, marka loo eego mudada ay jirtay Somaliland oo ah Dal aan caalamka ka helin Wax Taageero ah ama Aqoonsi ah, Horumarka dhaqan dhaqaale ee ka hirgalayna uu yahay mid ay Muwaadiniinteedu qabsadeen dhinac kasta oo ay tahay, halka dawlada Somalilandna ku guulaysatay sugida Amniga iyo Maamulka dalka.

Maamulaha Nuura-diin oo la Hadlaya Arday Tiro badan 2019
Maamulaha Nuura-diin oo la Hadlaya Arday Tiro badan 2019

Dugsiga Nuuradiin oo wakhtigan ka mid ah hormuud Waxbarashada Somaliland haday tahay kuwa gaarka loo leeyahay Iyo ta dawliga ahba, Ayna wax ka bartaan Ardayda ugu badan dugsiyada dalku!

Dugsiyada Nuuraadiin waxaa la aas aasay sanadkii 2002 wuxuuna ka kooban yahay sedex qaybood, Barbaarinta Ubadka, Hoose dhexe iyo dugsiga sare kuwaasi oo Dhamaan ku dhaqaaqay xawaare lana galiyay juhdi aqoon iyo karti ku Dhisan Tahay.

Waxaana Aas Aasay Muwaadin reer Somaliland oo Systemka(Habka) Waxbarsho Ee Somaliland kusoo dhex jiray Mudo dheer, isagoo hore gacanta ugu hayay machad lagu barto luuqadaha gaar ahaan Luuqada Englishka oo ilaa xiligan shaqeeya.

Kaasi oo  da’ayarta badan oo reer Somaliland ka aflaxeen kana Caawiyay aqoonta wax barasho oo inta badan gundhig u ah Cilmiga maadiga ah ee waqtigan kana soo aflaxeen dhalinyaro Tiro badan oo Rag iyo Dumarba Iskugu Jirta.

Mr.Mahad Ibraahin Maxamed waa Aas Aasaha dugsiyada Nuuraadiin ayaa mar uu ka waramayay dugsiyada Nuuraadiin iyo sida ay u qaybsan yihiin wuxu yidhi; “Horta dugsiyada Nuuradiin waxa ay ka furan yihiin caasimadda Hargeysa oo Qudha Gobollada kama jiraan, waxayna u qaybsan yihiin, dugsiyada barbaarinta carruurta ilaa dugsiga 12aad ee dugsiyada sare, sidoo kale waxaan Sameynay si bulshada looga kaabo dhinaca luuqadaha iskuulo lagu barto luuqadaha iyo culuunta tignoolojiga ama IT-ga (Information technology), markaas guud ahaan waxay ka kooban yihiin saddex dugsi sare iyo lix dugsi oo hoose/dhexe marka intaa lagu daro ka xannaanada carruurta waxay isku noqonayaan 9 dugsi (9 schools),sidoo kale waxaan leenahay meel madbacad ah oo kutubta ardayda loogu daabaco.”

Dugsiga nuuraadiin schools maaha mid dawladu gacanta ku hayso, mana jirto taageero dhaqaale oo uu ka helo dawlada, haayadaha waxbarashada ka taageera dhinaca dhaqaalaha balse waa dugsi ku jira dhismayaal kiro ah sidaas oo ay tahay waxa shaqooyin ka helay muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah oo Uu usameeyay shaqo abuur ay ku dabareen nolosha qoysaskooda, haday tahay waxbarasho iyo nolosha aas aasiga Ahba.

Dugsiga sare ee Nuuraadiin oo wakhtigan ah hormuud waxbarashada Somaliland kana mid ah dugsiyada sida joogtada ah kaalmaha hore ee imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka u hogaaminayay mudo 12 sano ah oo joog ah kaasi oo ka dhigay dugsi caan ka ah gayiga Somaliland, noqdayna mid lagu majiirto.

Iyada oo aynu og nahay dugsiga nuuraadiin iyo doorta muuqda ee uu ku leeyahay waxbarashada dalka iyo soo saarida arday ka dhex muuqata dhigooda dalka taasi oo waalidiintu ku taamaan in ay cauurtooda ka mid noqdaan ardayda dugsiyada Nuuraadiin, oo isagu leh siyaasad waxbarasho oo ka duwan kuwa dugsiyada kale ee dalka si joogta ahna ay iskugu xidhan Yihiin Maamulka iskuulka iyo waalidiinta ardayda wax ka barata taasi oo door muhiim ah ka qaadatay guusha waxbarasho ee uu gaadhay iskuulku,

Hadaba Maxaa Maamulka Dugsiyada Nuuraadiin u Suurto Galiyay In Uu Gaadho Horumarka Dhinaca Waxbarasho!

A;-Dugsiga Nuuraadiin Wuxuu si joogta ah ugu xidhan yahay waalidka dhalay ardayda wax ka barata iyagoo si bile ah, sanadle leh waalid ula socod siiyo waxbarashada ardaygiisa.

B;-Dugsiga Nuuraadiiin wuxuu juhdi iyo daryeel dhaqaale Galiyay sidii uu u heli lahaa macalin aqoontiisu dhisan tahay Taasi oo suurto galisay in dugsiga ay ka hawl galaan Macalimiinta ugu cad cad dalka kuwaasi oo dhinacoodana ka hela dhaqaale iyo maamuus ku dhiiri galiya macalinku in uu si Hagar la,aan ah wax ubaro Ardayda!.

Tusaale ahaan (Ardaygu marka uu sanadkiisa koowaad ee dugsiga sare ka bilaabo nuuraadiin waxaa laga qaadaa imtixaano dugsiga u gaara kuwaasi oo lagu ogaado dadaalka ardayda waxka barata)

Halka Ardayga dhibcaha imtixaankiisu ay hooseeyaan la wargaliyo waalidkiisa loona sheego halka ay taagan tahay aqoonta waxbarasho ilmiisan taasi oo hadii uu wax isbadala la iman waayo lagu wargaliyo waalidka in dadaalkiisu hooseeyo loona baahan yahay in kor loosoo qaado,

Si dadaal ardayda loo gaadhsiiyo heer uu la jaan qaadi karo ardayda isku fasalka yihiin waxaa loo sameeyaa fursad wax barasho oo kor loogu soo qaadayo maadooyinka uu ku hooseeya taasi galinka danbe looga bilaabo iskuulka, Talaabooyinkaasi iyo kuwo kale oo maamulka iskuulku hadh iyo habeenba wadaan ayaa waxay  suurto galisay in ardayga wax ka barta nuuraadiin uu noqdo mid ka dhex muuqda ardayda reer Somaliland ee ku jirta dugsiyada Sare!

Sidoo kale Maamulka dugsiyada Nuuraadiin ayaa dhiiri galin iyo Abaalmarino qaaliya siiya Ardayda kaalmaha hore ka gasha Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka taasi iyana qayb laxaadle ka Qaadatay dadaalka ardayda iyo guusha uu gaadhay iskuulku.

Dhanka kale Maamulka iskuulka ayaa si dhow ula socda arday kasoo baxda fasalada 8aad ee dalka iyagoo ardayda kaalmaha hore ka gashay Dugsiyada kuwooga aan haysan dhaqaale u saamaxa in ay sii wataan aqoontooda dugsiga sare siiya waxbarasho bilaash ah damaanad qaadana nolashiisa afarta sano ee uu ku jiro dugsiga sare ee Nuuraadiin, taasi oo ardayga fursadaa hela ku dhiiri galisa in uu qayb ka noqdo ardayda ku Guulaysata kaalmaha sare ee dugsiyada  dalka iyo hormuudka Aqooneed ee dugsiga Nuuradiin, waana arimaha uu dheer yahay Dhigooda dugsiyada gaarka loo leeyahay, kana dhigtay mid koobsaday daboolida doonista waxbarasho ee Somaliland Hiigsanayso iyo fogaan Araga Maamulka Dugsiyada Nuuradiin,

Waxyaabaha kale ee dugsiga nuuradiin  ka Dhigay in uu noqdo Hormuudka waxbarashada somaliland ayaa waxaa kamid ah in maamulk iskuulku si joogta ah ula socda akhlaaqda ardayda lana hubiyo aroor kasta xaalada ardayda gaar ahaan wakhtiga uu imanayo dugsiga, hab-dhaqankiisa iyo waxkasta oo ardayda ka dhigaya mid ka mashquula qaadashada duruusta iskuulka,

Xidhiidhka wanaagsan ee maamulka, macalimiinta iyo waalidku wuxu sal dhig u yahay ku dhaqankiisu dugsiga nuuradiin waa mid kamida guulaha dugsiga nuuradiin Gaadhsiiyay halka uu maanta kaga jiro waxbarashada Somaliland.

Ardayda wax ka barata dugsiyada nuuradiin waxay kamid yihiin Muwaadiniinta reer ee xuquuqda ay dawlada ku leeyiihiin uu Waajibinayo dastuurka dalka waxayna lamid yihiin ardayda wax ka barata dugsiyada dawladu gacanta ku hayso waana waajib Saaran xukuumadu in ay marwalba si dhow ula socoto gacan Qabashadooda balse waxaa waxyaabo badan oo ay tabi lahaayeen buuxiyay muwaadiniin isku xil qaamay horumarinta Tacliinta dalkooda oo ay tahay in qofkasta reer Somaliland u garab istaago guul uu gaadho qarankiisa aan wadamada caalamka kamid noqon wali ee ay ku  hareeraysan yihiin duruufaha kala duwani,

Dhanka kale Dugsiga sare ee nuuradiin wuxu noqday mid Ardaydii kasoo baxday ay ka dhex muuqato aqoontoodu tartanada imtixaanka loo galo shaqooyinka dalka iyo dhismaha Xukuumada Somaliland oo ardaydii kasoo baxday dugsiga Nuuradiin wakhtigan kamid yihiin wasiirada, safiiro, iyo Qaybaha kala duwan ee xukuumadu ka kooban tahay, taasi oo markhaati u ah doorka uu ku leeyahay dhismaha tacliineed ee Jamhuriyada Somaliland,

Marka laga tago kaalinta hogaamineed ee ardayda dugsiyada Sare ee dalka oo uu mudo 12sano ah hogaaminayay kaalmaha Hore ee ardayda ku guulaysata natiijada imtixaanka shahaadiga Ee Dalka, waxaan dhinaca kale aan la hilmaamin Karin sumcada Iyo sharafta waxbarasho ee dalka  Uu U Horseeday,

Qalinkii;  Yuusuf J. Xirsi

Wajalenews@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.