Madaxweynaha Somaliland oo Burco Ku Buriyey War Culus oo uu Shalay Berbera Ka Sheegay iyo Sababta

Burco(aftahannews):- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magaalada Burco ku buriyey war culus oo uu shalay ka sheegay Berbera, kaasoo uu ku shaaciyey inay Somaliland Madaarka Berbera oo ay Imaaraadku Saldhig Millateri dowladdu ka siisay dib ugala soo noqotay. Hase-yeeshee, maanta oo uu Burco ka hadlay, ayuu sheegay inaanay Somaliland ka noqon heshiiska 25-ka sano dhan ee Imaaraadka Saldhigga Millateri lagu siiyey.

Haddaba, hadalka Madaxweyne Biixi Maanta ka sheegay Burco, ayaa buriyey hadalka uu shalay ka jeediyey magaalada Berbera oo ay shalay illaa xalay Warbaahinta dalka iyo ta caalamiga ahiba aad u tabiyeen, isla markaana aad la isu weydiiyey sababta xilligan keentay in Madaxweynuhu hadalkaas sheego.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlay Berbera.

Hase-yeeshee, Maanta oo uu Burco haddana ka hadlay, ayuu sheegay inaanay Somaliland ka bixin heshiiska 25-ka sano dhan ee Saldhigga Millateri lagaga siiyey Berbera, balse Garoonka Millateriga sidiisa u isticmaali doonaan, sidoo kalena Diyaaradaha Kaargooga iyo kuwa Shacabkuba la isticmaali doonaan.

Hadalka Madaxweynuhu maanta ka jeediyey Burco iyo kiisa shalay ee Berbera oo dhammaystiranba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Somaliland ka siisay Berbera, ayaa hore loo sheegay inuu noqon doono Saldhig ay adeegsadaan Ciidamadda Badda iyo Cirka ee Imaaraadka Carabtu.

Heshiiska isafgaradka ah waxaa la saxiixay bishii September ee sannadkii 2016-kii, markaas oo wafdi heer sare ah oo ka socday Somaliland ay booqdeen wadanka Imaaraadka Carabta.

Saldhigga, ayaa Wakhtigaa Warbaahinta Imaaraadku daabacday inuu noqon doono Dhul 40km oo isku wareega ah, isla markaana kaabiga ku haya dekadda iyo garoonka diyaaraha Berbera, kaas oo la isku afgartay inay Imaaraadku degganaan doonaan muddo 25 sano ah. Saldhigga, ayaa waxa wakhtigaa la sheegay inay Somaliland ku badalanayso Tababbarro xagga Ciidammada ah, taageero iyo ilaallin deegaankeeda ah iyo dhismayaasha meelaha qaar.

Hase-yeeshee, 19-ka Bishii March 2017-kii, ayey Masuuliyiin ka socda Somaliland iyo wakiillo metelaya dawladda Imaaraadka Carabtu  ay magaalada Dubai si rasmi ah ugu kala saxeexdeen heshiis oggolaanaya in magaalada Berbera Saldhig millitary laga siiyo dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa dowladda Somaliland kula jirta Heshiis dhigaya inay muddo soddon sannadood ah Maamusho Dekedda magaalada Berbera, taasoo tan iyo bishii March ee 2017-kii maamulaysay, gacantana ku haysa Dekedda magaalada Berbera oo ay sheegtay inay lacag dhan Afartan Milyan oo Doollaru ku maalgelin doonto Dekedda iyo dhismaha Deked labaad oo hawsheeda la bilaabay.

Si kastaba ha ahaatee, waxay Dadku aad isu weydiinayaan sababta uu Madaxweyne Biixi shalay warkaas u sheegay oo markii horeba lagu mashquulsanaa iyo haddana waxa isla saacado ka dib uu maanta u buriyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.