Wasiir Sacad C. Shire Muxuu ka yidhi Dhaqdhaqaaqa Dhaqaalaha ee laga Cawdo iyo Lacag Baarlamku diiday oo Dowladdu qaaddo?

Filed under: Wararka |

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanay Shacabku ku qasbanayn qaadashada Bilaydhada amma Taarikada cusub ee Baabuurta, balse qofkii isagu doonayaa uu qaadan karo oo laga iibinayo. Taarikadaas, ayey Golaha Wakiilladu diideen inay ansixiyaan markii ay meel-marinayeen miisaaniyad-sannadeedkii 2018-kii, balse ay Wasaaradda Gaadiidku dadka ka iibiso.

Wasiirka horumarinta Maaliyadda oo waraysi gaar ah Siiyey Weriye Maxamuud-Jawhar oo ka tirsan Telefeshinka Star, ayaa ka jawaabay dhaqdhaqaaq la’aanta dhinaca dhaqaale ee ay Bulshadu aadka uga cabanayso tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxa kale oo uu ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey Sicir-bararka, hoos-u-dhaca sarrifka doollarka ee aan wax kale hoos u dhicin intuu doollarku jabay, halka marka uu qaaliyoobo wax waliba qaaliyoobaan, isticmaal la’aanta Lacagta Somaliland ee ay Ganacsatada, Dugsiyada gaarka ah, Maddarasadaha iyo ganacsiyada gaarka ahiba wax ku baayacayaan, ku qaadayaan fiiga, waxna ku iibinayaan iyo sababaha ay dowladdu wax uga qaban wayday.

Qodobbadaas iyo kuwo kale, ayuu ka hadlay Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire waraysigan uu siiyey Star TV, waxaana waraysigaas oo dhammaystiran iyo sida uu u dhacay-ba, aannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login