Cabdirisaaq Salaad oo Ka Hadlay Saamaynta ka Dhalanaysa Keenista Shidaalka ee ay Xukuumadda Somaliland la wareegtay & arrimo kale

CABDIRISAAQ SALAAD OO KA WARRAMAY HEERKA GANACSIGA SOMALILAND IYO SAAMAYNTA SHIDAALKA DAWLADDU LA WAREEGTAY SEP 2019
CABDIRISAAQ SALAAD OO KA WARRAMAY HEERKA GANACSIGA SOMALILAND IYO SAAMAYNTA SHIDAALKA DAWLADDU LA WAREEGTAY SEP 2019

Hargeysa(aftahannews):- Cabdirisaaq Salaad Faarax oo Khabiir bartay aqoonta dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga, una dhashay Somaliland, ayaa ka warramay halka uu xilligan marayo ganacsiga qaybaha kala duwan leh ee Somaliland, Shuruucda ganacsi iyo dhaqaale ee dalka u degsan oo uu tilmaamay qabyo ka muuqata iyo sida loo sixi karo, ayaa sidoo kale sheegay inaanay habboonayn inay wakhtigan Xukuumadda Madaxweyne Biixi la wareegto keenista Shidaalka oo ay Shirkado gaar loo leeyahay hore u keeni jireen.

CABDIRISAAQ SALAAD OO KA WARRAMAY HEERKA GANACSIGA SOMALILAND IYO SAAMAYNTA SHIDAALKA DAWLADDU LA WAREEGTAY SEP 2019
CABDIRISAAQ SALAAD OO LAGU WARAYSTAY BARNAAMIJKA XOGTA EE BC24TV

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Ganacsade Cabdirisaaq Salaad Faarax, dhibaatooyinka haysta ganacsiga iyo dhaqaalaha Somliland, isagoo tilmaamay sida arrimaha carqalada ku ah ganacsiga meesha looga saari lahaa oo uu xusay in haddii wax laga qabto ay wax weyn ka tarayaan koboca dhaqaalaha dalka , horrumarka ganacsiga iyo shaqo la’aanta ka taagan dalka.

Cabdirisaaq Salaad oo loo yaqaan (Cabdi Salaad), wuxuu muddo dheer xubin ka ahaa rugta ganacsiga ee Dubia, isla markaana wuxuu lasoo shaqeeyay shirkaddo iyo Comppeny waaweyn oo caalami ah, wuxuuna xilligan ganacsi ku leeyahay Somaliland oo uu ka sameeyay Wetshed soo saarta Caradda qaaliga ah iyo ganacsiyo kale oo shaqeeya,

Arrimahaa iyo kuwo kale oo ay ku jiraan shidaalka ay dhowaan xukuumaddu sheegtay inay iyadu dalka keenay iyo saamaynta u ku yeelanayaan shirkaddaha hore u keeni jiray shidaalka haddii ay xukuumaddu qaado tallaabadaa iyo sida ay saaamayn dhaqaale ugu yeelanayso bulshada, wuxuu kaga hadlay Barnaamijka Xogta oo ka baxa Telefishanka Baddacas24, wuxuu Barnaamijkaa oo uu su’aalo ku weydiiyay Tafaftiraha Telefishanka Baddacas24, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, kaga hadlay qorshayaal uu sheegay in uu diyaariyay iyo shuruuc lagama maarmaan u ah maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland.

Haddaba, Waraysigaas oo Barnaamijka Xogta ee Baddacas24TV lagula yeeshay Cabdirisaaq Salaad oo dhammaystiran iyo qaabka uu u dhacayba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.