Heshiiska Saldhigga Millateri ee Madaxweyne Biixi sheegay inay kula soo noqdeen Saldhigga Millateri ee Imaaraadka, Ma Saamayn Doonaa Heshiiska DP World ee Dekedda Berbera?

Berbera(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shaaca ka qaaday inuu ka baxay baxay Heshiis ay Xukuumaddii Hore Saldhig Millateri ku Siisay Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo la gashay Imaaraadka Carabta, ayaa dhigayey inay Millateriga Imaaraadka Carabtu saldhiggaas degganaadaan muddo 25 sannadood ah.

Haddaba, waxa la is-weydiinayaa maxaa sababay inay Somaliland heshiiskaas ka baxdo sida uu Madaxweynuhu sheegay, maxaa is-beddelay? Ka bixitaanka heshiiskani ma saamaynayaa heshiiska ay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ee maamusha Dekedda Berbera ay kula jirto Somaliland? Inkasta oo aanu su’aalahaas oo dhan Madaxweynuhu ka jawaabin, haddana waxaynu dib u eegaynaa heshiiskaas Saldhigga iyo siduu u dhacay iyo arrimo la xidhiidha ee kaga bogo muuqaalka iyo qoraalka ka hooseeya oo aannu idiinku soo gudbinaynay halkan hoose:-

Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Somaliland ka siisay Berbera, ayaa hore loo sheegay inuu noqon doono Saldhig ay adeegsadaan Ciidamadda Badda iyo Cirka ee Imaaraadka Carabtu.

Heshiiska isafgaradka ah waxaa la saxiixay bishii September ee sannadkii 2016-kii, markaas oo wafdi heer sare ah oo ka socday Somaliland ay booqdeen wadanka Imaaraadka Carabta.

Saldhigga, ayaa Wakhtigaa Warbaahinta Imaaraadku daabacday inuu noqon doono Dhul 40km oo isku wareega ah, isla markaana kaabiga ku haya dekadda iyo garoonka diyaaraha Berbera, kaas oo la isku afgartay inay Imaaraadku degganaan doonaan muddo 25 sano ah. Saldhigga, ayaa waxa wakhtigaa la sheegay inay Somaliland ku badalanayso Tababbarro xagga Ciidammada ah, taageero iyo ilaallin deegaankeeda ah iyo dhismayaasha meelaha qaar.

Hase-yeeshee, 19-ka Bishii March 2017-kii, ayey Masuuliyiin ka socda Somaliland iyo wakiillo metelaya dawladda Imaaraadka Carabtu  ay magaalada Dubai si rasmi ah ugu kala saxeexdeen heshiis oggolaanaya in magaalada Berbera Saldhig millitary laga siiyo dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Inkasta oo Madaxweynaha Somailland Muuse Biixi Cabdi sheegay maanta in Garoonkaas Diyaaradaha Berbera ee Imaaraadku Saldhigga ka samaysanayey laga soo celiyey, maanta laga bilaabona yahay Garoon Shacab, haddana ma sheegin sababta iyo sida heshiiskaasi u buray, inay Imaaraadka iyo Somaliland ka wada socdaan iyo in kale midna.

Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa dowladda Somaliland kula jirta Heshiis dhigaya inay muddo soddon sannadood ah Maamusho Dekedda magaalada Berbera, kaas oo aan illaa hadda la garan karin inuu saamayn ku yeelan doono Heshiiska Saldhigga Millateri ee ay Somaliland kala soo noqotay Dowladda Imaaraadka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.