Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo La Kulmay Maamulka Dugsiyada Gaarka ah iyo Sababta

Hargeysa(aftahannews):- Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Kulan la qaatay Maamulka Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo dhawaanahan cabasho ka muujinayey Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo Deeqihii Waxbarasho ee sannadkan u gaar yeeshay Ardayda wax ka baratay Dugsiyada Dowladda.

Inkasta oo Kulanka Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu yeesheen Albaabbadu u xidhnaayeen, haddana markii uu kulankaasi soo dhammaaday, ayey Xubno u hadlay labada dhinac Warbaahinta la wadaageen waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Warkaas Kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada Somaliland iyo Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Hargeysa ka jira dhex-maray oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannew.som

Hargeysa/Somaliland.