Madaxweyne Biixi oo Sheegay inay Somaliland Saldhiggii Millateri ee Berbera kala soo noqotay Imaaraadka

Berbera (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladdu dib ula soo noqotay Saldhig Millateri oo ay hore u siisay Imaaraadka Carabta, kaas oo hadda noqon doona Garoon Shacab.

Madaxweyne Biixi oo maanta gaadhay magaalada Berbera, isla markaana goobo kala duwan oo magaalada ah oo Mashaariic laga wado kormeeray, qaarna dhagax-dhigay, ayaa Warbaahinta ka sheegay inay Somaliland la soo noqotay Madaarka Berbera oo 2017-kii Xukuumaddii hore heshiis rasmi ah kula gashay Imaaraadka inuu Saldhig Millateri ku dhigto.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Berbera.

Warkiisa oo dhammaystiranna waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.