Masuuliyiin Ka Socda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Turkiga Shirar Kula yeeshay Madaxda Dalkaas

Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Turkiga Shirar ku galay
Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Turkiga Shirar ku galay

Ankara (Aftahannews):- Wefti ka socda Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safar shaqo ku tegay dalka Turkiga, kuwaasoo shirar kala duwan la qaateen madaxda Wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya dhinaca adeegyada caafimaadka.

Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Turkiga Shirar ku galay
Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Turkiga Shirar ku galay

Qoraal kooban oo ka soo baxay Weftiga Somaliland ee ku sugan Turkiga, ayaa lagu sheegay in ujeedada safarkoodu la xidhiidho iskaashiga dhinaca adeegyada caafimaadka iyo sidii ay Somaliland uga faa’iidaysan lahayd aqoonta iyo khibradda Hay’adaha Caafimaadka Turkiga oo ah kuwa ugu wanaagsan dalalka Adduunka.

Waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Wafti ballaadhan oo ka socda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  booqosho ku jooga magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga, iyadoo ay wefdigu la kulmeen Madaxda u saraysa Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga.

Halka sidoo kale ay booqasho ku tegeen, shirarna la qaateen goobo muhiim ah oo kala ah;

  1. Cusbitaalka ugu weyn dalka Turkiga ee Ankara City Hospital
  2. Xarunta Guud ee Gargaarka Degdega ah ee Turkiga.
  3. Iyo Hay’adaha kala duwan ee caafimaadka Turkiga.

Wafti uu hoggaakinayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee dalka Somaliland, waxa ka mid ah Agaasimeyaasha cusbitaallada Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Laascaanood iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, waxa ay weftigu ku sheegeen in ujeedada safarka ay ku tageen dalka Turkigu ay ku salaysan tahay saddex qodob oo kala ah;

  1. Sidii ay wax uga soo baran lahaayeen nidaamka caafimaadka ee dalka Turkiga oo ah kuwa ugu horeeya dhinaca adeegyada caafimaadka ee dalalka Adduunka.
  2. Sidii ay Dowladda Somaliland xidhiidh dhinaca iskaashiga caafimaadka ah ula samayn lahayd Dowladda Turkiga.
  3. Sidii la iskaga kaashan lahaa dhinaca tababarrada iyo aqoonta guud ee caafimaadka.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

         aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.